Taariikhda Ururkii Dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL
“Qabiil Qaran Ma
Noqdo”!
HORUDHAC
Maanta waxay ku aaddan tahay maalintii la
aasaasay ururkii dhalliinayaradii gobannimodoonka ahaa ee SYL 15 Maajo
1943. Marka hore waxaan ummadda
Soomaaliyeed gaar ahaan da’yarta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan dal iyo
dibadba aan leenahay hambalyo waa maalinii, waa maalinteenii, waa maalintii aan
ka dhiidhinay dulmigii iyo dhibkii gumeystuhu inagu hayey, waa maalin xusid iyo
is xasuusin mudan, waxay muhiimad gaara u leedahay dhallinyarada Soomaaliyeed
iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed iyo qarankoodaba. İntaas kadib waxaan
qoraalkeenaan kooban ku dhowri doonaa dhowr qodob oo kala ah in aan bal marka
hore wax ka ogaano aasaaskii iyo marxaladihii ay ku sugnaayeen dhallinyaradu,
ujeedkoodii iyo waxay hibanayeen , wixii u qabsoomay iyo caqabadihii ay la kulmeen,
waxaan kusoo gebo gebayn doonaa duruusta aan ka baran karno iyo bal in ay jirto
kaalin innaga inooga bannaan halgankii ay bilaabeen saddex iyo toban
dhallinyara ah nusqarni kahor.
Halganka
gobonimodoonka ummada Soomaaliyeed
wuxuu socday wakhti aad u dheer waxaana u kala qaybin karnaa saddex
qaybood oo kala ah: Halgankii uu hor kacayay halyeygii Soomaaliyeed ee Axmed
Gurey, Halgankii hubaysnaa ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan iyo Daraawiish oo ah
halgankii ugu dheeraa qaarada Afrika ee lagula diriro isticmaarka halgankaas
Daraawiisheed oo socday muddo 21 sannadood ah iyo halgankii Dhallinyaradii
Soomaaliyeed ee SYL. Waxay shucuurtii gobannimodoonku hadba geed hadhsataba,
isticmaarna wadajir dab ula dabajoogto, waxaa dhacday inuu dhismay 15-kii Maajo
1943-kii urur dhallinyaro oo la baxay S.Y.C [Somali Youth Club]. Markii dambena
isu rogay S.Y.L [Somali Youth League]. Marxaladaan waxay ku soo aadday wakhti
uu dunida ka socday dagaalkii 2aad
ee adduunka iyo kacdoonkii
gobonimodoonka ee waddamadii la gumeysanayay gaar ahaan dadyowgii
Qaaradda Afrika.
Waqtigaas waxaa dhulka ummada Soomaaliyeed
gacanta uu ugu jiray gumeysihii Ingiriska iyo Taliyaani marka laga reebo
Jabuuti oo Faransiisku ka arriminayey.
SYL waxay si xooggan dib uga shiday shumacii gobonimodoonka ahaa guud
ahaan dhulka ummada Soomaaliyeed gaar ahaan intii Ingiriisku iyo Taliyaanigu
gumeysanayay. SYL waxay ahaayeen
dhallinyaro la socda waxa ka dhacaya dunida gaar ahaan kacdoonada xoriyaddoonka
ahaa ee Qaaradda Afrika ka socday. Waxay dareensanaayeen mas’uuliyadda ka
saaran in ummada Soomaaliyeed ay yeelato qaran xor ah oo ay ku mideysan yihiin
dhammaan ummada Soomaaliyeed. SYL waxa
ay ahayd aragti ku dhisan İslaamnimo, Soomaalinimo, Soomaaliweyn, Xornimo, Midnimo ummaddeed, sinnaan, qaddiyad qaran iyo mid xornimodoon,
waddaninimo iyo gumeysi nacayb.
AASAASKII URURKA
DHALLINYARADA SOOMAALIYEED [SYL).
Naadiga Dhalinyarada
Soomaaliyeed (S.Y.C.) waxaa aasaasay 13 dhalinyaro tariikhdu markii ay ahayd
15, Maajo-1943 -dii. Saddex iyo tabobkaas dhallinyarada ah oo
da’doodu u dhexaysay 16 illaa 30 waxay ka dhiidhiyeen dacdarradadii iyo dhibkii
uu gumeysigu ku hayey ummadda Soomaaliyeed dhibka aan ka hadlaynaa waa addoonsi
iyo xornimo la’aan nooc kasta oo ay tahay iyo tacliin iyo garaadkoodu kora oo
aan loo oggolayn. Dhaqdhaqaaqa siyaasadeed waxaa uu bilowday markuu Ingiriis
qabsaday Koonfurta Soomaaliya. İngiriisku marki hore ma oggolayn urur magaca
xisbi leh. Sidaas darteed ururrada waxaa lagu furay magaca Naadi (Club). Maxaa
yeelay weli wakhtigaas Ingiriisku wuxuu cabsi ka qabay in axsaab haddii ay soo
baxaan in ay furi karaan albaab dhaqdhaqaaq siyaasaseed iyo xoriyaddoon. Hase
yeeshee, wuxuu fasaxay in la furto ururo dhallinyaro oo magaca Naadi leh, oo haddii la rabo la
dhihi karay la idiinma oggola inaad gashaan siyaasadda.
Ururkii ugu horreeyay ee
Xamar laga furo wuxuu ahaa Naadiga Dhallinyarada Xamar (Hamar Youth Club- HYC)
oo la aas-aasay bishii April 15, 1943dii oo xaruntiisu ahayd Xamar
Wayne. Hal bil ka bacdi bishii May 15, 1943 waxaa la furay Naadiga
Dhallinyarada Soomaaliyeed [Somali Youth Club] oo markii dambe noqday Xisbiga
Dhallinyarada Soomaaliyeed (Somali Youth League- SYL). Duruufaha oo adkaa
darteed iyo gobonimo iyo siyaasadda oo aan laga hadli karin ayaa sababay in ay
qaab naadi ah ku howl galaan sanadihii ugu horeeyay. SYL waxay ku shaqo bilowday qaab qarsoodi ah
oo dhalinyarada si hoose loogu abuurayay Soomaalinimo da iyo gumeysi nacayb ka
lana dareensiinayay qiimaha xoriyadda iyo qaranimo-da ilaa laga soo gaaro
sanadkii 1947-kii oo ay magaca Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed SYL la baxeen
aragtidooda siyaasadeed ee gobonimo-doonka Ummadda Soomaaliyeedna ay banaanka soo dhigeen. SYL Waxay dalka gees ka
gees ku fidisay xarumo ay ku hawlgalaan dhallinyaradu oo ay ka furteen illaa
Siyallow oo ku taala Waqooyi Bari ama N.F.D, Jigjiga oo ku taala Soomaali
Galbeed, ilaa Hargeysa iyo Muqdisho inta ka dhex leh. Sanadihii ugu horeeyay
halgankii ay SYL hogaamineysay waxay xooga saareen sidey bulshoweynta
Soomaaliyeed uga dhaadhicilahaayeen qadiyadaha ay aamminsanaayeen ilaa ay
dhammaan ummadu qaateen aragtidii SYL ayna mustaqbalkooda ummadeed ka dhex
arkeen himilooyinkii iyo ahdaaftii SYL.
AASAASAYAASHII
IYO AABBAYAASHI GABANIMADA
1. Yaasiin Xaaji Cismaan 8. Xaaji Maxamad Xuseen
2. Cabdulqaadir Shiikh
Sakhaawadiin 9. Khaliif Hundow
Macallim
3. Maxamad Cusmaan Baarbe. 10. Cismaan Geedi Raage
4. Maxamad Faarax Hilowle 11. Dheere Xaaji Dheere
5. Saciid Xirsi Nuur 12.
Maxamad Cabdulle Xayeesi
6. Maxamad Cali Nuur 13.
Cali Xuseen Cali
7. Daahir Xaaji Cusmaan
HIMILOOYINKII IYO
AHDAAFTII DHALLINYARADA
❖
In shanta Soomaaliyeed la mideeyo, hal qaranna
ay dhistaan (Soomaaliweyn).
❖
In lala dagaalamo caadooyinka iyo dhaqamada foosha xun ooy ka mid
yihiin qabyaaladda, quursiga, takoorka iwm.
❖
In loo halgamo xuquuqda, lana xaqiijiyo gobanimada iyo
madaxbanaanida ummadda Soomaaliyeed.
❖
In xooga la saaro tacliinta, siiba in lagu dadaalo waxbarashada
dhallinyarada, iyadoo la aaminsanaa inaan horumar iyo madaxbanaani la gaari
Karin waxbarasho la'aanteed.
❖
In Af-Soomaaliga la qoro oo weliba la qaato farta Cismaaniyada
iyadoo fartaas loo arkayey inay tahay mid waddani ah.
❖
In shacabka lagu baraarujiyo halganka gobanimadoonka iyo
madaxbanaanida.
❖
In meel ay iska dhigaan
dariiqooyinka diiniga ah ee lagu kala duwan yahay.
❖
In udub dheexaadka himilooyinkooda uu noqdo qaranimo iyo gobonimmo
ay ummadda Soomaaliyeed hesho.
Himilooyinkii SYL waxay
noqdeen himilooyin ummadeed qaarkood ummadda Soomaaliyeed way ka dhabaysay qaar
kalena weli waa u dhiiman yihiin. Wax yaabo badan oo ay SYL dhaxalsiisay
ummadda Soomaaliyeed waxaa ka mid ahaa;
Waxaa abuurmay dareen
waddanimo iyo Soomaalinimo kaasi oo abuuray halgan ummaddeed oo aan gobol ku
koobnayn balse waddanka oo dhan si wada jira uga hirgala. Waxay halgan dheer u
galeen siday Soomaali xornimo-deeda ku helilayd taas oo ay naf iyo maalba u
hureen. Waxa xafiisyadooda iyo dhammaan xarumahooda ku tababareen dhallinyaro
badan oo ka shaqaysa faafisana himilooyinka ururka. Waxaa jiri jiray koox lagu
magacaabo Horseed oo faafin jiray aragtida ururka. Waxay bulshoweynta
Soomaaliyeed ka dhaadhiciyeen fikradii gobonimodoonka ahayd. Bulshada
Soomaaliyeed oo dhiiraanaan iyo dareen durugsan leh waxay SYL la garab
istaagtay taageero nooc waliba leh haba ugu horeeyaan haweenka Soomaaliyeed oo
gacan weyn oo maaliyedeed iyo mid kaleba isugu daray. Waxay ilaa heer guul ka
gaareen la dagaalanka qabyalada iyo caadooyinka xun ee la midka ah waxayna ku
beddeleen walaaltinimo, Soomaalinimo iyo qaddiyad Soomaalimo. Waxay ku
guulaysteen xoriyadda labo qayb (gobolada Waqooyi iyo kuwa Koofureed) oo ka mid
ah shantii qaybood ee gumeystayaashu dadka Soomaaliyeed u qaybiyeen. Waxay
bulshada Soomaaliyeed ku mideeyeen halganka xoriyaddoonka iyo Soomaalinimada.
Waxay abuureen hal-ku dhigyo; "Axyaa wadani","Soomaaliyey toosoo","Qabiil
Qaran ma noqdo" iyo kuwa kale oo badan oo Ummadda hurdada ka kiciyay korna
u qaada hamiga iyo hiraalka dadka Soomaaliyeed.
Wax yaabahii aan suurta
galin ee ka mid ahaa himilooyinkii SYL noqdayna qadiyadda qaran waxa ka mid
ahaa ; Fikradii Soomaaliweyn oo aan illaa hadda aan gun gaadhin iyo qoritaankii
farta Af-Soomaaliga oo dib laga qoray. Ummadda Soomaaliyeed, in kasta oo ay xaalado adag ay jiraan oo
dhabar jab ku ah himilooyinkii halgamayaashii Soomaaliyeed oo ahaa Soomaaliwayn [Ban-Somalism], haddana riyadii
ahayd in maalin uun ay indhahooda ku arkaan Soomaaliweyn oo mideydsan waxay ku
kaydiyeen maskaxda meel aysan marba xasuusta ka lumi doonin.
MA HADHOOYIN IYO DHACDOOYIN MUHIIM AH.
A. Doorkii garabka haweenka [sisters] iyo dhacdadii HANOOLAATO
[1948].
Hanoolaato (Long live
Somalia) waxay dhacday 11-kii bishii Janaayo 1948-dii, Xaruntii Naadiga waxaa
joogay dad ilaalo ah, oo waxaa jiray shaki ku saabsan in Gumeystaha ay daqiiqad
kasta soo weerari karaan. waa dhacdo xusuus ku leh Soomaalida, qaybna ka ah
dagaalada lala galay gumeysiga. Talyaaniga iyo daba-dhilif Soomaali ahaa ayaa
soo weeraray Xarunta Naadiga oo ku taalay agagaarka halka hadda ay ku taalo
Taallada. Gumeystaha Talyaaniga, waxba looma reeban, Soomaalidii waa isku habar
wacatay, Talyaanigii iyo kooxihii daba dhilifka ahaa ee uu soo kireystay waxaa
lagu hareereeyay Bilaajo Carab, waxaana halkaas lagu dilay 54 Talyaani ah iyo
dhaawaca oo lagu sheegay ilaa 55. Goobtaasi waxaa lagu dilay Soomaali badan oo
ay ka mid ahayd Xaawo Cusmaan [Xaawo Taako]. Halgankii
gabanimodoonka waxaan marnaba la iloobi karin doorkii haweenka Soomaaliyeed oo xiligaasi la oran jiray
Sisters kaalintii lixaadka lahayd ee ay kasoo qaateen halgankii xornimada,
kuwaa waxay naf iyo maalba u hureen sidii loo gaari lahaa xornimo, waxaa kamid ahaa Xaawo Taako oo oo lagu dilay albaabka Leegada
hortiisa iyo Timiro Cukaashe oo ay ku dhashay xabsiga gumeysiga dhexdiisa iyo
kuwa kale oo aan xasuus ku soo koobi karin dahabkooda u gadayey sidii uusan
geedigu u dhicisoobin.
B. Dhacdadii Dhagaxtuur (October 5, 1949)
Bishii Septeember 1949kii
ayaa waxaa furmay kalfadhigii golaha guud ee Qaramada Midoobay. kalfadhigaas
ayaa laga sugayey inuu go’aan ka gaaro aayatiinka dalalkii Talyaanigu gumeeysan
jiray oo ay Soomaaliya ka mid ahayd. Leegadu waxay magaalada New York u dirtay
Cabdilahi Ciise Maxamud oo ahaa Xoghayaha guud ee SYL si uu u cabbiro mawqifka
Leegada. Cabdullahi Ciise Maxamuud isagoo ku sugan Magaalada New York waxaa uu
SYL usoo diray qoraalkii ama racfaankii caanka ahaa ee la magac baxay Appello
ai Somali (Somali Appeal) oo uu ugu sheegayey
guud ahaan shanta Soomaali, SYL iyo caalamka intaasa kale qatarta uu leeyahay
qorshaha Soomaaliya loogu dhiibayo Taliyaani (Sforza Bevin Plan), arrintaas oo
misana Qaramada Midoobey ku kala jabtay. Marka farriintii Cabdullahi Ciise
waxay gilgisay dareenka iyo quluubta ummadda Soomaaliyeed. October 5, 1949kii
ayeey Leegadu mudaaharaad ka dhan ah Talyaaniga ka sameeysey goobta loo yaqaan
Dhagaxtuur.
Dagaalkan Dhagaxtuur,
waxay dhexmartay Ururkii xornimadoonka ahaa ee SYL iyo Ingiriiska oo
wakhtigaasi dalka oo idil haystay. dowladda Ingiriiska waxaa ay is bidday xoog,
waxaay bandow kusoo rogtay dadka, dagaal is burbursi ah kadib oo Soomaalidii
dhagax ay ku dagaalamayeen waxaa halkaas ku dhintay laba qof, waxaana ku
dhaawacmay 50. Tiro 4-5 booliska Ingiriiska ah ayaa dhacdadaasu galaafatay.
Dhacdadaas taariikhiga ah kadib, November 21, 1949kii ayeey Golaha Guud ee Qaramada Midoobay soo saareen
go’aankiisii lagu caddeeyey in Soomaaliya loo dhiibo maamul Talyaani ah oo 10
sano ah, Qaramada Midoobayna ku ilaaliyaan.
DHALASHADII XORIYADDA IYO ISRAACII LABADA
GOBOL [1960].
Bishii June 26, 1960kii, waxaa
madax bannaani la siiyey gobollada Waqooyi oo ka mid ahaa dhulkii Soomaalida ee
ay haysatay dowladda Ingiriiska oo halkaas joogtay laga soo bilaabo sanadkii 1884tii.
Kowdii Bishii July waxaa xornimo qaatay gobollada Koonfurta oo ku hoos jiray,
markii isticmaarka Taliyanaiga, laga soo bilaabo 1889kii ilaa
dagaalkii labaad ee adduubka oo Itaalya guuldaraystay kaddibna laga saaray
Koonfurta Soomaaliya, halkaasi oo uu Ingiriis gacanta ku hayey laga soo bilaabo
1941dii ilaa 1950kii oo uu ku wareejiyey Wasaayadda
Qaramada Midoobay oo Itaalya madax looga dhigay. İsla kowda Luulyo, 1960kii
waxaa israacay labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfurta, waxaanna markaas dhalatay
Jamhuuriyadda Soomaaliya. Markii ay xoroobeen labo qaybood oo ka mid ah shantii
qaybood ee Soomaaliya uu u qaybiyey gumaystuhu ayna israaceen labadii gobol ee
Waqooyi iyo Koonfur waxay Soomaalidii wagaas marnaba aan quluubtooda ka bixin
saddex da qaybood ee kale oo weli gacanta ugu jiray isticmaarka. Hees dareenkii
ummadda Soomaaliyeed ee wakhtigaasi ka turjumaysa ayaa waxay ahayd ‘’Waa
seermaweydoo iyo saban barwaaqee, saddexdii maqnaanaa way soo socdaane’’.
CAQABADIHII IYO
WAXYAABIHII WIIQAY AWOODIHII SYL.
Halyeeyadii Soomaaliyeed
ee SYL waxay qabteen howl qaran oo gumeystihii xilligaas dalka joogay ka
yaabiyey, marka laga eego dhanka gaarsiinta mabaadii’da ku dhisan
Soomaalinimada, midnimada iyo guud ahaan faafinta dareenka waddaniyadda ee guud ahaan dacallada geyiga Soomaaliyeed
(Barnes, 2007). SYL waxay ku guuleysteen in ay abuuraan guux waddaniyadeed oo
xilligaas aad loogu baahnaa, iyadoo uu halganka lagu la jiray gumeystuhu ahaa
mid uu agaasinkiisu hooseeyey oo qolo iyo qabiil walbaa uu geeskiisa u
dagaallamayey, aragti aan in xoolaha iyo naftaba gumesytaha laga ceshto aan
dhaafsaneynna ma aysayn jirin. Hase yeeshee, xawaarihii uu mabda’a ku bilowday
iyo jiritaan la’aanta siyaasad caga adag ku taagan oo lagu jihaysa howlaha
halganka ayaa sababtay in xarumihii kala duwanaa ee SYL ee ku kala yiilay
magaalooyinka dalka iyo raggii madaxda ka ahaaba ay midba dhinac u jiiteen.
Waxaa intaa sii dheer, in dalka ay gacanta ku kala hayeen gumeysteyaal badan
sida; Ingriiska, Talyaaniga, Faransiiska iyo Xabashida oo dhammaantoodna
doonayey in ay galgal iyo saameyn muuqata ku yeeshaan Soomaaliyada mustaqbalka.
Waxaana lagama maarmaan ahaa in ay jirto siyaasad ku aaddan la tacaamulka
isticmaarka qaybihiisa kala duwan. Waxaa dhacday in xubno ka tirsanaa SYL oo
dhallinyaro xamaasadaysan u badnaa ay ku dhaqaaqaan falal dhaliyey qalalaaso
iyo daganaan la’aan siyaasadeed, taas oo ka soo hor jeeday hab shaqada naadiga,
oo ku dhisnaa in qalin iyo qunyar socodnimo lagu dagaallamo. Falalkaas qaarkood
waxay soo dadajiyeen in qaar ka mid ah qaybihii isticmaarka in ay u heshiiyaan
seedo iyo feyl-goynta iyo maja xaabinta howlihii dhallinyarada. Waxaa intaa sii
dheer jiritaanka kooxo sokeeye oo muuqa inooga eeg magacana inala sheeganaya kuwaasi
oo u fududeyn jiray isticmaarka sidii ay u damin lahaayeen shumaca midnimada ee
ay naadigu shideen kaas oo malaayiin Soomaaliyeed ku baraarujey in ay
leeyihiin, dal, dhul dihan, iyo qab Soomaalinimo oo u baahan in loo istaago
loona huro, naf iyo maal. "Taariikhda
dib u eega waa laga dab qaataaye'' C/Qaadir Shube
Waxaa xusid mudan
qarniyadaas aan ka hadlayno sida ay u jireen waddaniyiin dalkooda iyo dadkooda
jecel in ay u jiraan maantana sida si lamida waxaa garab socda hagardaamooyin
iyo kuwo u adeegaya cadowga, maantana si lamida whakhtiga ayuunbaa isbeddelay labad
caynba waa ay jiraan waana jiri doonaan mar inta aan jirno kuwo
waddaniyiina oo daacad ah danta dalka iyo dadka u adeegaya iyo kuwo cadowga u
adeega oo khaayinul-waddana.
KAALINTA DHALLINYARADA
MAANTA.
Xilligii isticmaarka, dhallinyaradii noolayd
waxay ahaayeen kuwo ku nool marxalado aad iyo aad u adag oo siyaabo badan uga
duwan kuwa maanta. Dhallinyaradii waagaasi waxay ahaayeen kuwo ku dhashay oo ku
koray iyadoo dhulka Soomaalida uu nacab shisheeye ka talinayo. Dadka dhiigooda
si micno darro ah loo daadinayo, maalkoodana la dhaco. Xoriyad iyo tacliin iska
illow iyada. Arrinkaasi oo ku abuuray dhallinyaradii waagaasi waddaniyad iyo
dal iyo dad jacayl. Dareenkaasi waddaniyadeed wuxuu dhaliyey inay u midoobaan
cadowgooda ayna genefka ku dhuftaan gaashaanka u daruuriyaan oo guluf iyo dirir
lagu saarayo nacabka kala horyimaadeen quwado waa wayn oo hadh iyo howba u
diiday. Waxay jiif iyo joogba uga tageen oo naf iyo maalba u hureen in aan
innagu helno xornimo.
Kaalinta maanta innaga inooga bannaan halgan ay bilaabeen
dhallinyaro Soomaaliyeed muddoo hadda laga joogo 74 sano oo aan maanta tiro,
tamar, aqoon iyo dakhliba (income) ka badan nahay runtii waa mid mugwayn. Sida
aan kor ku soo xusay saddexdii qaybood ee gacanta gumaystaha ku hadhay marka
laga reebo Soomaalidii uu Faransiisku gumaysan jiray (France Somaliland ama
Djabuti) oo bishii June sanadkii 1977dii,
gobannimada qaatay. Labadii qaybood ee kale ee Waqooyi Bari (N.F.D) iyo Soomaali Galbeed waxay weli ku jiraan
gacantii cadowga, waxayna sugayaan waa dhallinyarada Soomaaliyeed. Arrinkaas
waxaan ku cabbiri karaa hees ay ku luqayso Xalimo Khaliif Magool Eebbe ha u
naxariisteen oo ahayd ‘’Nin lagu seexdoow ha seexan’’. Dhallinyarada
Soomaaliyeed hurdo uma eeka maanta waxay buuxin karaan booska uga aaddan halgankaas
dhallinyaradii assaagood ahayd ay bilaabeen kolkay gees iska dhigaan
qabyaaladda iyo qoloqolada ayna usoo jeestaan qaranimo.
https://drive.google.com/file/d/0B01PHoelZ9edR0hhMTktNlBiQmc/view?usp=sharing
--Dhamaad--

No comments:
Post a Comment