Home

Wednesday, 16 March 2016

DHALİNYARADA SOOMAALİYEED SHALAY İYO MAANTA !!?


Hordhac;

   Dhallinyarada Soomaaliyeed waxey baal dahab ah uga jiraan tariikhda Umaddena, kaalintii ay ku lahaayeen halgankii la dagaalanka gumeysiga, kaasoo ay u hureen naftooda, maalkooda iyo waxwaliba oo ay heysteen sidii Soomaaliya ay gobanimo u gaari lahayd. Alle ayaan inuu u naxariisto ugu baryayaa dhamaan intii jiritaankeena u soo halgantay oo naftooda ku waayay.
Kadib gobannimada aan qaadanay 1960kii, waxaa wadanka ka abuurmay ururo dhalinyaro oo badan waxbadan ayayna wadanka iyo bulshada ku soo kordhiyeen, waxaa ka mid ahaa ururadii dhalinyaro ee abuurmay xoriyadii kadib ururka dhallinyarada Soomaaliyeed; ururadan waxay ka hawlgali jireen dalka gudihiisa iyo xiriirka dhallinyarada caalamka iyaga oo ku lahaa kaalin muuqata.

Waqtigii dowladii kacaanka dhallinyaradu waxay laf-dhabar u ahaayeen mashaariicda dowlada ee wadanka laga fulinayay sida, İskaa wax u qabso, Hanuuninta dadweynaha, Bacaadcelintii shabeele, Ololihii farbarashada ee halku dhigiisu ahaa Bar ama baro ayaan lagaa badin iyo Dadkii dhibaatadu ka soo gaartay Abaartii Dabadheer, dhamaan mashaaricdaan meel marintooda waxaa gacan weyn ka geestay dhalinyarada Soomaaliyeed.
Dhalinyarada Soomaaliyeed waxay ahayd dhalinyaro dhalinta caalamka saameyn kulahaa, Ururrada dhalinyarada Soomaaliyeed waxay ka mid ahaayeen hay’adaha hoggaaminta Dhalinyarada iyo ardayda aduunka, iyagoo ku martigalinjirey dalkeena shirarka dhallinyarada WFDY (World Federation Democratic Youth)  iyo
 shirar kaleba, dhalinyarada Soomaaliyeed 
qiimo ayay ku dhexlahayeen dhalinyarada aduunka.

Kadib burburkii qarankii Soomaaliyeed, dhallinyaradu waxay la kulmeen dhibaatooyin badan, Waxaa laga dhigtay jaran-jaro meel walba lagu koro oo ujeedadii loo baahdo lagu gaaro iyadoo lagu soo dhaweysanayo qaab qabiil, qaarna aqoon la'aantooda laga faa'iideystay oo inta maskaxdii laga xaday iyagoo caruura la dagaal galiyay, dhiigooda laga macaashay dhexdoodana la isku laayay. Waxaa jira oraah cadeyneysa waxii dhacay oo oraneysa "Alla dhallintu waa ma liibaanayaal lagu liibaano ", Dhacdooyinka oo mirahii kasoo baxay ay noqdeen kalsoonidii dhalinyaradu wadanka ku qabtay oo dhamaatay, wadankii dhexdiisa ku dhibaateysan wax barasho laaan , shaqo laaan iyo inta kale ee ay dadkale la wadaagaan,  qaar badan dhalinyarada ka mida waxay noqdeen  kuwa xabsiyada aduunka ka buuxaan kuwa badaha ku dhamaaday iyo kuwa saxaraha ku dhibaateysan intaba.

            DHALİNYARO SEE AH BAAN U BAAHANAHAY!!?


Maanta bushadeenu waxay u baahantahay dhalinyaro hadaf cad, aragti dheer iyo dareen İslaamnimo, Soomaalinimo iyo mid Umaddeed leh kuna qanacsan dhulkooda hooyo diyaarna u ah iney wax waliba u huraan, dhalinyaro meel dheer wax ka arka oo ahdaaf qaran iyo mustaqbal ifaya sawiran kara kana shaqeeya, dhalinyaro sharaftooda, Calankoda iyo midnimadoodaba kor u qaada, dareensana howsha hor taala iyo sidii ay uga guul gaari lahaayeen, dhalinyaro garta guttana waajibaadkooda qaran, dhalinyaro aragtidooda iyo qorshayaashooda qaran ilaashan kara danta guudna aan gor-gortan ka galin, Dhalinyaro wax waliba ka dhex dhaca ka eega danta guud, Miisaanka kali ah ee ay wax ku cabirtaana uu yahay SOOMAALİNİMO.
Waxaan u baahanahay dhalinyaro aqoon iyo karti leh oo indheergarad ah intaana ay u dheertahay qiyamka, İslaamnimo, Soomaalinimo, qarannimo iyo bani'aadannimo.

Erayo waana ah oo uu tiriyay Alle ha u naxariiste Abwaan: Cabdi Muxumed Amiin


Dhallinyahay dhammaanteen xumaha ma iska dhaafnaaa?
Haa Haaaa
Dhallinyahay dhammaanteen samaha ma u dhaqaaqnaa?
Haa Haaaa
Dhallinyahay dhammaanteen dhulka ma u shaqeynaa?
 Haaa Haaa
Dhallinyahay dhammanteen cududda ma isu dhiibnaa?
 Haaaa Haa
Dhallinyahay dhammaanteen dheg-xumada ma diidnaa?
Haaa Haa
Dhallinyahay dhammaanteen dhigeen ma u ekaanaa?
   Haaa Haaaa
  -------------------------                         

Waxaan wadajir loo dhalin
Nina ku dhaadanmaayee
Waxaan dhididka loo shubin
Nin kuma dhergaayee
Waxaan garasho loo dhigin
Dhaliil lagama waayee
Waxaan dhiirri loo qaban
Hadal kuma dhammaadee
Waxaan seeska loo dhigin
Dhaxal lagama gaaree

                                            Erayadii : Cabdi Muxumed Amiin

 Amaana Allah. 
  Axmed Maxamed Cali
DHAMAAD
                    =======================================================

No comments:

Post a Comment