Maanta iyo Dhalinyarada Soomaaliyed
Hordhac
Sida aynu wada ogsoonyahay dhalinyaradu waa
laf dhabarta Umadd kasta waana kaydka dhabta ah ee ay haysato, haboonna in si
fiican looga fa'iidaysto, Ummad walbana Mustaqbalkeedu waxuu ku xiranyahay
dhalinyaradiisa, Ummadii garata qiimaha dhalinyaradu leedahay oo ku barbaarisa
dhaqankeeda ,Tariikhdeeda soona saarta dhalinyaro garanaya waxa aya yihiin iyo
halka ay u socdaan waxay gaarayaan guulo iyo hormarba, Waxayna noqoneysaa
ummadasi mid mustaqbal wanaagsan leh.Laakiin Umaddii iska dayacda
dhalinyaradeeda waxa ku dhaca baaba’a iyo dabar go’a. Dhalinyarada iyo
dhalinyaradanimadaba waa wax runtii aad u qaali ah oo hadii muhiimadii ay
lahayeen aan lasiinin laga shalayo.
İntaanan tan maanta u galin waxaan rabaa
inan si kooban uga hadlo booska ay dhalinyarada Soomaaliyeed kaga jiraan
shacabka, ku dhawaad %70 Shacabka Soomaaliyeed waa dhalinyarado, waana
laf dhabarta Ummadena, guulaha aan ku faano oo qiimaha inoogu fadhiya oo idil
waxaa Alle ka sokow abaalkeeda iska leh dhalinyarada Soomaaliyeed ee wax kasta
u huray si ay markasta wadciga jira iyo wanaaga Ummada uga qeyb qaadan
lahaayeen, tusaale waxaan u qaadan karnaa Aabeyaashii gobonimo doonka
Soomaaliyeed ee S.Y.L. oo aan wada ognahay qiimaha ay inoogu fadhiyan iyo
sidaan ugu faano Ummad ahaan waxay ku guuleysteen iney Soomaali xornimadeeda
hanato, waxaan Alle uga baryayaa inuu dhamaantood u naxariisto, janadiisana ku
irsaaqo Amin. S.Y.L. waxaa lagu xusuusta oo aan kabaranayna qiimaha
midnimada iyo wada jirku leeyahay waxaa kale oo aan kabaraneyna inaan qabiil
iyo qaran is qaban qabyaaladna wax wanaag ahi ku jirin qofkasta oo ka
shaqeynaya arimaha bulshadeena uu ku dadaalo, midnimo, walaaltinimo iyo
wada jirka kana fogaado qabyaalada kala qoqob iyo tafaraaruq .
Markan u imaado waxa aan rabo inaan ka
hadlo oo ah Maanta iyo Dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaan ku sifeyn karaa
dhalinyarada Soomaaliyeed ee Maanta, dhalinyaro aan si dhaba u helin
barbaarintii Ummadeed ee ay ku hanan lahaayeen kuna dhisan lahaayeen Mustaqbalkoda
ayna ku sameysan lahaayeen wadooyinkii ay ku gaari lahaayeen Hankooda,
himilooyinkooda iyo hiralkooda. Badanaa dadka uma kala saarna wax barashada iyo
barbaarinta Ummadeed, wax barashudu mar waliba waa lagama maarmaan waliba
qarnigaan aan joogno waxaa lagu sifeeya qarniga cilmiga sida darteed qarnigan
iyo waxbarasho la’aan waa waxaan is qabanayn, laakiin qofka aysan Ummadiisu ku
barbaarin dhaqankiisa, tariikhdiisa iyo waliba xadaaradaha ay soo mareen waa
qof meel gudcur(mugdi) ah oo aan wax laga arkeyn ku lugeynaya oo aan
heysan toosh ama wax uu iftiimsado si uu wax u arko. Hadaba Dhalinta
Soomaaliyeed laga soo bilaabo burburki dowladii Soomaaliyeed waxa dhaba
in aysan helin wax barbaarin ama maal gashi Ummadeed ah marka laga reebo tiro
yar oo ayagu dadaalkooda iyo juhdigooda waxay Ummadooda ka baran karaan ka
barta . Hadaba waxaa is weydiin mudan anagoo sidaa ah mustaqbal noocee ah ayaa
sugeyna hadaannahay dhalinta maanta?. Si kasta oo ay noqotaba waxa hubaal ah in
ay Ummada Soomaaliyeed maanta iyo bariba ay sugeyso dhalinteeda. Sidaa
darteed waxaa ina sugaya howlo adag oo u baahan aqoon iyo
karti dheeraad ah, waxaa ina sugaya dhamaan shaqadi uu lahaa iyo saxida
waxii uu haleeyay jiilkii inaga horeeyay. Dhalinyarow waxaad lasocotaan oo aan
daah idinka saarneyn in maanta shacabka Soomaaliyeed meel walba oo uu joogo
idinka sugayo inaad u usoo gacangalisaan amaba u badbaadisaan diintiisa,
dhulkiisa, dadkiisa, sharaftiisa iyo dowladnimadiisa. waxan shaki ku jirin in
dhamaan waxyaabahaan aan sheegayba uu dhaawac weyni inaga gaaray oo si dhaba
aanan gacan ugu heynin amase aanan go'aamada iyo waxa dhulkeena ka dhacaya aynu
marti ka nahay. waanka xumahay in aan cinwaan nocaan ah ka hadlo ayadoo aan
ognahay maanta aduunka intiisa badan iney ka hadlayaan sidii ay u soo saari
lahaayeen dhalinyaro hanan karta mustaqbalka Ummadadooda ama wadankooda. Hadaba
dhalinyarow maanta waxaa la joogaa maalin ay taariikhu qormeyso waxaan shaki ku
jirin in maanta loo baahanyahay baraarug Ummadeed, 1943-kii oo laga joogo mudo
73 sano ah ayay bilaabeen dhalinyaro Soomaaliyeed baraarug Ummadeed kaas oo ku
soo idlaaday xoriyadii 1960 -kii aan qadanay lakiin maanta waxaa markale mugdi
weyni inaga galay xoriyadi, dowladnimadii iyo madax banaanidii aan sida
dhameystiran u qaadanay oo aan maanta ka joogno " nin bukow boqoli kuu
talisay" oo dhexdeeni aan far isku taag ka bixi la"nahay. u
jeedadeydu ma aha inan idin niyad jabiyo laakiin waxaan dareemayaa in la taagan
yahay waqtigii hurdada laga kici lahaa lana raadi laha markale midnimo iyo
qaranki Soomaaliyeed, qofkasta oo Soomaali ah gaar ahaan dhalinyarada waxaa ku
waajiba iney kacaan awoodooda mideeyaan meelkasta oo ay dunida ka joogaan ayna
ka gudbaan wax kasta oo tafaraaruq iyo qeybsanaan ah. Ogaada dhalinyarow hilbo
wada dhashiyo hal qureynu nahay.
waxan ku soo gaba gabeynayaan
gabeygan waxaanse ka cudurdaaranayaa inaan garaneyn qofki iska lahaa gabeyga
waxaana codsanaya haduu jiro qof garanaya inuu ila wadaago mahadsanidiin.
Dhalin yarow dhaqaaqa
Ø Dhalin yarow dhamantin
dhagahiina fura oo dhaayihiina ragana dhulkeenii ku eegoo Dharaaraha siduu
yahay ma mid lala dhacaayaa
Ø Subixii dilaaciyo marka
fiidku dheelmado dhibaatada ka taagani ma mid lala dhacaayaa .
Ø Dhalinyarow dhulkenii
dhaawac iyo dhibaa jira dhaqtarana ma joogaan dheymana iskaba daa.
Ø Dhalaankii koraayiyo
waalidkii ina dhalay dhibaatadey ku noolyihiin dhafooradey ku qorantahay.
Ø Dhalinyarow dhamaanteen
dhaayaha ma furanaa dhulshesheeye dhaxal maleh halkii aan u dhalaniyo dhaqankii
ma eegnaa .
Ø İmisey dhibaatadu
dhadhaab adag ka tuurtoo dinacna aan jaleeceyn.
Ø İmisey dhibaatadu dhuuni
ay heleen iyo nolol dhaqashaloo wacan cilimigi uga dhaaratay.
Ø Taa waxa u sii dheer
dhuni qaate odayo dhowr shilin la siiyoo dhinacyada u cararoo sharaftoodii
dhowreyn .
Ø İntee hooyo dhagartiyo
iiladu wax yeeshoo dharaartii la joogaba dhaayuhu ilmeyaan .
Ø Kuwii ay ku dhimatee
dhowrka sano xanbaaartee dheefta ay ka sugeysayna dhabtii waa inaga.
Ø Dhalinyarow dhulkeenii
inagaa u dhalanee hadeynaan ka dhiidhiyin dhankee baan u soconaa .
Ø Dhalinyarow dhul waa qani
dhalashaduna waa sharaf
Ø Dhalinyarow dhamaanteen
dhinac ma isu racnaa dalkii aan u dhalaniyo dheman cidii hooyo cadow maka
dhicinaa.
Ø Dhalinyarow aduunyadu
waxa ay ku dhisantahay waa wada dhigeenee sidee baan u dhacanahay
miyeynan dhaqaaqeyn dhagarta aynan diideyn inagaa u dhalanee dhulkeenii u
dhimaneyn.
Ø Dhalinyarow dhan wada
mara iska dhaafa qolo qolo dhamaantiin is dhowroo is ku dhaga gacmaha oo ma
dhaafaan dhulkeenii inagaa u dhalanee marna marna yaynan ka jiifan.
Amaana Allah.
DHAMAAD
========================================================
No comments:
Post a Comment