Maanta iyo Dhalinyarada Soomaaliyed
Hordhac
Sida aynu wada
ogsoonyahay dhalinyaradu waa laf dhabarta Umadd kasta waana kaydka dhabta ah ee
ay haysato, haboonna in si fiican looga fa'iidaysto, Ummad walbana
Mustaqbalkeedu waxuu ku xiranyahay dhalinyaradiisa, Ummadii garata qiimaha dhalinyaradu
leedahay oo ku barbaarisa dhaqankeeda ,Tariikhdeeda soona saarta dhalinyaro
garanaya waxa aya yihiin iyo halka ay u socdaan waxay gaarayaan guulo iyo
hormarba, Waxayna noqoneysaa ummadasi mid mustaqbal wanaagsan leh.Laakiin Umaddii
iska dayacda dhalinyaradeeda waxa ku dhaca baaba’a iyo dabar go’a. Dhalinyarada
iyo dhalinyaradanimadaba waa wax runtii aad u qaali ah oo hadii muhiimadii ay
lahayeen aan lasiinin laga shalayo.
İntaanan tan
maanta u galin waxaan rabaa inan si kooban uga hadlo booska ay dhalinyarada
Soomaaliyeed kaga jiraan shacabka, ku
dhawaad %70 Shacabka Soomaaliyeed waa dhalinyarado,
waana laf dhabarta Ummadena, guulaha aan ku faano oo qiimaha inoogu fadhiya oo idil
waxaa Alle ka sokow abaalkeeda iska leh dhalinyarada Soomaaliyeed ee wax kasta
u huray si ay markasta wadciga jira iyo
wanaaga Ummada uga qeyb qaadan lahaayeen, tusaale waxaan u qaadan karnaa Aabeyaashii
gobonimo doonka Soomaaliyeed ee S.Y.L. oo aan wada ognahay qiimaha ay inoogu
fadhiyan iyo sidaan ugu faano Ummad ahaan waxay ku guuleysteen iney Soomaali
xornimadeeda hanato, waxaan Alle uga baryayaa inuu dhamaantood u naxariisto, janadiisana
ku irsaaqo Amin. S.Y.L. waxaa lagu xusuusta
oo aan kabaranayna qiimaha midnimada iyo wada jirku leeyahay waxaa kale oo aan
kabaraneyna inaan qabiil iyo qaran is qaban qabyaaladna wax wanaag ahi ku jirin
qofkasta oo ka shaqeynaya arimaha bulshadeena uu ku dadaalo, midnimo, walaaltinimo iyo wada
jirka kana fogaado qabyaalada kala qoqob iyo tafaraaruq .
Markan u
imaado waxa aan rabo inaan ka hadlo oo ah Maanta iyo Dhalinyarada Soomaaliyeed,
waxaan ku sifeyn karaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee Maanta, dhalinyaro aan si
dhaba u helin barbaarintii Ummadeed ee ay ku hanan lahaayeen kuna dhisan lahaayeen
Mustaqbalkoda ayna ku sameysan lahaayeen wadooyinkii ay ku gaari lahaayeen Hankooda,
himilooyinkooda iyo hiralkooda. Badanaa dadka uma kala saarna wax barashada iyo
barbaarinta Ummadeed, wax barashudu mar waliba waa lagama maarmaan waliba
qarnigaan aan joogno waxaa lagu sifeeya qarniga cilmiga sida darteed qarnigan
iyo waxbarasho la’aan waa waxaan is qabanayn, laakiin qofka aysan Ummadiisu ku
barbaarin dhaqankiisa, tariikhdiisa iyo waliba xadaaradaha ay soo mareen waa
qof meel gudcur(mugdi) ah oo aan wax
laga arkeyn ku lugeynaya oo aan heysan toosh ama wax uu iftiimsado si uu wax u
arko. Hadaba Dhalinta Soomaaliyeed laga soo bilaabo burburki dowladii
Soomaaliyeed waxa dhaba in aysan helin
wax barbaarin ama maal gashi Ummadeed ah marka laga reebo tiro yar oo ayagu
dadaalkooda iyo juhdigooda waxay Ummadooda ka baran karaan ka barta . Hadaba
waxaa is weydiin mudan anagoo sidaa ah mustaqbal noocee ah ayaa sugeyna
hadaannahay dhalinta maanta?. Si kasta oo ay noqotaba waxa hubaal ah in ay
Ummada Soomaaliyeed maanta iyo bariba ay
sugeyso dhalinteeda. Sidaa darteed waxaa ina sugaya howlo
adag oo u baahan aqoon iyo karti dheeraad ah, waxaa ina sugaya dhamaan shaqadi uu lahaa iyo saxida waxii uu
haleeyay jiilkii inaga horeeyay. Dhalinyarow waxaad lasocotaan oo aan daah
idinka saarneyn in maanta shacabka Soomaaliyeed meel walba oo uu joogo idinka
sugayo inaad u usoo gacangalisaan amaba u badbaadisaan diintiisa, dhulkiisa, dadkiisa,
sharaftiisa iyo dowladnimadiisa. waxan shaki ku jirin in dhamaan waxyaabahaan
aan sheegayba uu dhaawac weyni inaga gaaray oo si dhaba aanan gacan ugu heynin
amase aanan go'aamada iyo waxa dhulkeena ka dhacaya aynu marti ka nahay. waanka
xumahay in aan cinwaan nocaan ah ka hadlo ayadoo aan ognahay maanta aduunka intiisa
badan iney ka hadlayaan sidii ay u soo saari lahaayeen dhalinyaro hanan karta
mustaqbalka Ummadadooda ama wadankooda. Hadaba dhalinyarow maanta waxaa la
joogaa maalin ay taariikhu qormeyso waxaan shaki ku jirin in maanta loo
baahanyahay baraarug Ummadeed, 1943-kii oo laga joogo mudo 73 sano ah ayay
bilaabeen dhalinyaro Soomaaliyeed baraarug Ummadeed kaas oo ku soo idlaaday xoriyadii
1960 -kii aan qadanay lakiin maanta waxaa markale mugdi weyni inaga galay xoriyadi,
dowladnimadii iyo madax banaanidii aan sida dhameystiran u qaadanay oo aan
maanta ka joogno " nin bukow boqoli kuu talisay" oo dhexdeeni aan far
isku taag ka bixi la"nahay. u jeedadeydu ma aha inan idin niyad jabiyo
laakiin waxaan dareemayaa in la taagan yahay waqtigii hurdada laga kici lahaa
lana raadi laha markale midnimo iyo qaranki Soomaaliyeed, qofkasta oo Soomaali
ah gaar ahaan dhalinyarada waxaa ku waajiba iney kacaan awoodooda mideeyaan
meelkasta oo ay dunida ka joogaan ayna ka gudbaan wax kasta oo tafaraaruq iyo qeybsanaan
ah. Ogaada dhalinyarow hilbo wada dhashiyo hal qureynu nahay.
waxan ku soo
gaba gabeynayaan gabeygan waxaanse ka
cudurdaaranayaa inaan garaneyn qofki iska lahaa gabeyga waxaana codsanaya haduu
jiro qof garanaya inuu ila wadaago
mahadsanidiin.
Dhalin yarow dhaqaaqa
v Dhalin
yarow dhamantin dhagahiina fura oo dhaayihiina ragana dhulkeenii ku eegoo
Dharaaraha siduu yahay ma mid lala dhacaayaa .
v Subixii
dilaaciyo marka fiidku dheelmado dhibaatada ka taagani ma mid lala dhacaayaa .
v Dhalinyarow
dhulkenii dhaawac iyo dhibaa jira dhaqtarana ma joogaan dheymana iskaba daa.
v Dhalaankii
koraayiyo waalidkii ina dhalay dhibaatadey ku noolyihiin dhafooradey ku
qorantahay.
v Dhalinyarow
dhamaanteen dhaayaha ma furanaa dhulshesheeye dhaxal maleh halkii aan u
dhalaniyo dhaqankii ma eegnaa .
v İmisey dhibaatadu dhadhaab adag ka tuurtoo dinacna
aan jaleeceyn.
v İmisey
dhibaatadu dhuuni ay heleen iyo nolol dhaqashaloo wacan cilimigi uga dhaaratay.
v Taa
waxa u sii dheer dhuni qaate odayo dhowr shilin la siiyoo dhinacyada u cararoo
sharaftoodii dhowreyn .
v İntee
hooyo dhagartiyo iiladu wax yeeshoo dharaartii la joogaba dhaayuhu ilmeyaan .
v Kuwii
ay ku dhimatee dhowrka sano xanbaaartee dheefta ay ka sugeysayna dhabtii waa
inaga.
v Dhalinyarow
dhulkeenii inagaa u dhalanee hadeynaan ka dhiidhiyin dhankee baan u soconaa .
v Dhalinyarow
dhul waa qani dhalashaduna waa sharaf
v Dhalinyarow
dhamaanteen dhinac ma isu racnaa dalkii aan u dhalaniyo dheman cidii hooyo
cadow maka dhicinaa.
v Dhalinyarow
aduunyadu waxa ay ku dhisantahay waa
wada dhigeenee sidee baan u dhacanahay miyeynan dhaqaaqeyn dhagarta aynan
diideyn inagaa u dhalanee dhulkeenii u dhimaneyn.
v Dhalinyarow
dhan wada mara iska dhaafa qolo qolo dhamaantiin is dhowroo is ku dhaga gacmaha
oo ma dhaafaan dhulkeenii inagaa u dhalanee marna marna yaynan ka jiifan.
No comments:
Post a Comment