SİDEE İSBEDEL BULSHEED LOO SAMEEYAA!!?.
Dhibaatooyinka
Bulshada ay la kulanto!!;
Bulsho marka
xumaanta,khaladaadka iyo jaahilnimadu ku badato waqti dheerna qaadato waxay u
noqotaa caado oo sameynta waxa xun iyo akhlaaq xumiduba waxay noqdaan wax iska
caadi ah oo hadii la sameeyo iyo hadii kalaba aaney waxba ku kala duwaneyn ilaa
marka danbe ay dhaqan u noqoto bulshadaas. Waxaa halkaa ku luma wax waliba oo
ay bulshadaasi lahayd oo wanaag,aqoon iyo kartiba ah. Waxaana halka ka dhasha
bulsho xaqdaradiyo xumaantu dhaqan u tahay oo cuquushoodiyo qalbiyadoodaba ay
dagto. Xaqdarada iyo xumaantu waxay ka
hor maraan oo ay booskoodii buuxiyaan qiyamkii iyo waxii ay bulshadaasi
aaminsaneyd oo ay dhowran jirtay. Sidaa hadii ay ku sii socotana waxa ay kala garan
wayaan waxa xun iyo waxa wanaagsan, qofka daacada ah iyo qofka xumaanta wada,
dagaalo dhexdooda ka dhaca, dadka oo micno daro la isaga dilo iyo cadowgooda dibadda
oo ka dhex faa'iideysta, hadii ay sidaa ku sii socdaana waxa u danbeyn doontaa
caaqibo xumo. İbn
khaldun waxuu leeyahay "Qowm waxa halaaga gaarsiiya waa caadooyinkoooda
xunxun".
Isbedelka ay bulsho sameyso!!;
Bulsho uu dhib gaaray in dib loo dhiso oo ay noqoto bulsho awood
leh waa wax runtii aan fududeyn waxse laga badali karo, waxaa bulshada wax
looga badali karaa iyadoo waxii dhibka u keenay wax kale loogu badalo, wax la
badalo waxaa ka horeeya in wax lagu badalo la helo, waa in loo keena bulshada
wax ay ku badalan karaan waxa ay hada heystaan ee ayaga la wanaagsan laakiin
dhibka u keenay taa hadii aan la sameyn isbedel lama sameyn karo, waana shaqada
inta isbedelka wada. İsbedelku ma aha wax si fudud lagu gaaro oo waxuu u baahanyahay in wax waliba loo huro(Naf, Maal, Juhdi iwm ),
waxaa jiraya caqabado badan oo ka hor imaandoona inta isbedel doonka ah, waxaa
jiri doona kuwa badan oo halaagooda u arki doona, kuwa danahooda gaarka ah uu
ka hor imaanayo iwm.
Dunida marar badan ayaa isbedel la
sameeyay kan ugu wanaagsan ee tusaale loo soo qaadan karo waa dhalashadii
İslaamka. waa la socotaan waqtigii Nabi Maxamed (NNKH) uu waxyigii Alle u yimid
ee loo yaqaano xiligii jaahiliyada iyo noloshii ka jirtay dhulkaas iyo dhibkii Nabigu
ka maray gaarsiintii diinta ee reer maka iyo ugu danbeyn guushii uu ka gaaray,
inta kuma soo koobi karo waxay ila tahay in la wada garanyo.
Dhalinta Maanta iney isbedel sameeyaan raba maxaa la gudboon!!;
1.
Waxa ugu
muhiimsan uguna horeeya waa, İney ayagu isbadalaan (adigu hadaadan is badalin
marnaba wax ma badali kartid).
2.
iney dhibka
jira si dhab ah u baaraan falanqeeyaana.
3.
dhibka waxa
sababay iyo natiijooyinkiisaba iney si cilmiyeysan u baaraan .
4.
waxa dhibka u
keenay bulshada waxii loogu badali laha, wadooyinkii iyo qaabkii loogu gudbin
lahaa bulshada.
Wax
yaaba dadka ka caawiya iney is bedel
sameeyaan waxaa ka mid ah akhlaaq'da wanaagsan, Cadaalada, dadka oo si
mutadawacnimmo ah loogu shaqeeyo iyo ixtiraamka qiyamka ay bulshadaasi
leedahay.
Amaana Allah.
Axmed Maxmed CaliAmaana Allah.
DHAMAAD
========================================================
No comments:
Post a Comment