S.Y.L. iyo Wadadii xoriyadda;
Waxaan dhamaan Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan
dhalinyarada Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida ka joogaan ugu hanbalyeynayaa
sanad guuradii 73'aad ee aas-aaskii ururki gobonimo doonka Soomaaliyeed ee SYL.
SYL waxa ay ahayd aragti ku
fadhisa İslaamnimo, Soomaalinimo, Soomaaliweyn, Xornimo, Midnimo Ummaddeed, Sinaan, qaddiyad qaran iyo
mid Ummaddeed.
SYL waxay ahayd qaddiyad
ku dhisan xoriyad doon, wadaninimo iyo gumeysi naceyb.
Halku dhigyadii SYL waxaa ka mid ahaa ;
" Hadba waxaan laa ooyaayoo ilmadu iiga
qubaneysaa Iqtiyaar nin loo diidoo La addoon sadaan ahayee".
Maanta waxay Ummada Soomaaliyeed u tahay maalin qiimo
weyn ugu fadhida, isla markaana kaalin weyn ku leh dhalashadii iyo hanasahadii
xoriyada Ummadda Soomaaliyeed ay hanatey sanadkii 1960-kii.
Wadan
waxaa uu wax ku noqdaa horumarna ku gaaraa marka uu madaxbanaani buuxda heysto
sameystana hogaan ku dhisan cadaalad iyo aqoon, hadaba waxaan ognahay in
ummadaha ka xoroobay gumeystaha aysan si fudud ku gaarin xoriyadda iyo
gobanimadooda ay heystaan balse ay dhib u soo mareen dhiigna u daadiyeen, Ummadda soomaaliyeed
waxaa ay ka mid aheyd ummadihii la gumeystay sidii ay u xoroobi
lahaydna waxay u soo martay halgan dheer, halkan waxaan uga hadlayaa hal qeyb oo ka mida halgankaa dheer.
Aas-aaskii
Xisbigii Leegada (SYL);
SYL waxaa aas-aasay 13 dhalinyaro maanta oo kale sanadku marku ahaa
15-maajo-1943 kii ururku waxuu markiisii hore ku shaqo bilaabay hab qarsoodi ah
oo si cad loogama hadli karin siyaasada iyo xoriyad toona sidaa awgeed ayaa
waxa ay ururka ugu dhawaaqeen markiisii hore
naadi ahaan , Naadiga Dhalinyarada Soomaaliyeed(S.Y.C.) sidaa ayay ku
shaqeynayeen ilaa laga soo gaaro 15-maajo-1947 oo ay magaca SYL la baxeen aragtidooda
siyaasadeed ee xoreynta Ummadda Soomaaliyeedna ay banaanka soo dhigeen, Dhalinyaradaas waxay kala ahaayeen ;
1. Yaasiin Xaaji Cismaan 8.
Xaaji Maxamad Xuseen
2. Cabdulqaadir Shiikh
Sakhaawadiin 9. Khaliif Huudow Macallin
3. Maxamad Cismaan Baarbe.
10. Cismaan Geedi Raage
4. Maxamad Faarax Hilowle
11. Dheere Xaaji Dheere
5. Sayidiin Xirsi
Nuur
12. Maxamad Cabdalla Xayeesi
6. Maxamad Cali Nuur 13.
Cali Xasan Maxamad"Verdura
7. Daahir Xaaji Cismaan
Dhalinyaradaani waxa ay
ku heshiiyeen;
1.
In loo halgamo, lana xaqiijiyo gobanimada iyo
madaxbanaanida ummadda Soomaaliyeed.
2.
In shanta Soomaaliyeed la mideeyo, hal maamulna
la isugu keeno.
3.
In xooga la saaro tacliinta, siiba in lagu
dadaalo waxbarashada dhallinyarada, iyadoo la aaminsanaa inaan horumar iyo
madaxbanaani la gaari Karin tacliin la'aanteed.
4.
In af Soomaaliga la qoro oo weliba la qaato farta
cismaaniyada iyadoo fartaas loo arkayey inay tahay mid waddani ah.
5.
In shacabka lagu baraarujiyo halganka
gobanimadoonka iyo madaxbanaanida.
6.
In la tirtiro caadooyinka iyo dhaqamada foosha
xun ooy ka mid yihiin qabyaaladda, quursiga, iskala takoorka iwm.
Waqtigii
la aas-aasay S.Y.L. iyo ka horba Ummadda Soomaaliyeed waxay gumeystayaasha kala duwan kula jirtay
dagaal adag oo dheer laakin ma ahayn mid wadanka dhan si wada jira uga dhaca,
Waxuu ahaa mid ka dhaca deegaano iyo gobolo kala duwan ma jirin awood mideysan
oo wadanka dhan si siman uga wada dagaalama. Waxaa jiray in intii isku meel
degan ama isku qolo ahba in ay ku midoobeen la dagaalanka gumeystayaasha si da
meelo badan ka dhacday. Kadib aas-aasakii SYL wax yaabaha ay ku soo kordhiyeen
bulshaweynta Soomaaliyeed waxaa ka mid ahaa: İn ay bulshada ka saaraan kasmada
iyo aragtidii gabneed kuna qanciyaan
garashada siyaasadeed ee ay huwan-tahay qarannimadu dadaal iyo juhdi dheer
kadib , waxaa abuurmay bulsho leh dareen
Qarannimo, Soomaalinimo, Wadaniyad, is-jaceyl Ummaddeed iyo nacayb gumeysi taas
oo sababtay in inta badan bulshada Soomaaliyeed ay ku qancaan,rumeyaan , kuna
howl galaan midnimo iyo Soomaalinimo.Waxyaabaha ay SYL ka dhiidhisay ee ay
bulshada kalsoonidooda ku kasbadeen waxaa ka mid ahaa;
Waxaa
magaalada Muqdisho ka dhex shaqeyn jiray baabuurta dad-weynaha qaada oo aan loo
ogoleyn iney Soomaalidu raacdo kaliya waxaa raaci jiray dadka cad-cad gaar ahaan
kuwii talyaaniga. Maalin maalmaha ka mida ayaa waxaa basaskii midka ka
mida soo raacay labo dhalinyaro oo kamida dhalinyaradii SYL waxaa lagu amray
iney ka dagaan waase diideen in ay ka
degaan baabuurkii dagaal gacanta ah ayaa dhex maray ayaga iyo ninkii Talyaaniga
ahaa, waxaa dagaalkoodii kusoo baxay ciidamadii nabadgelyada waxayna arintooda
gaartay wakiilka Ingiriiska u fadhiyay Xamar
Wakiilkii Ingiriiska ayaa xukumay in:
1. In baabuurka lagala wareego ninkii Talyaaniga ahaa
2. Iyo in dadweynaha soomaaliyeed ay raaci karaan dhammaan gaadiidka ka shaqeeya gobalka banaadir.
Arintani waxaa ay noqotay in
dadku ogaadaan in waxa laheysto iyo dadka loo diidayo in ay raacaan baabuurta ay
yihiin muwaadiniinta dalka iska leh sidaas darteedna ay kordhiyaan iska
caabinta gumeystaha.
Wada tashi mudo bila ah u socday kadib dhalinyaradii waxay isku
raaceen in ay wakiilkii Ingiriiska waraaq codsi u qoraan si ay naadiga furaan
marki ay u tageen wakiilkii Ingiriiska ayaa waxaa dhexmartya dhacdadaan
casharka u ahayd ilaa maantana Soomaalida sidii iyo kadaran cashar ugu noqon
karta waxa uu ku yiri ; '' Waxaad ka koobantihiin dhalinyardiina qabiilo kala duwan waxaana hubaal
ah in aadan kuwa hishiin Karin feker iyo ra’yi toona, aniga waxaan idiin arkaa
dhurwaayo iyo ari mooro lagu wada xareeyay, sideed naadi ugu hishiin kartaan
khilaaf la’aan".
Dhalintii oo aan hadal kulul ku celin
Karin madaxa mustacmaradda ayaa ugu jawaabay; " Hadalkaada waxaan ka
dhiganeynaa cashar aan ka faa’iideysano, waxaana barbaarin doonnaa Dhurwaayada,
si aysan ariga u cunin, mana fogaan doonto in aad aragto anagoo ku wada nool
Naadiga oo aan wax muran iyo khilaaf uusan ka dhex jirin".
SYL bulshada Soomaaliyeed waxay dhaxalsiisay;
Ø Waxay la dagaaleen qabyaalada waxayna xoojiyeen
Soomaalinimada.
Ø Waxay
bulshada dareensiiyeen dulinimada gumeysiga iyo wanaaga iyo fiicnaanta
xoriyada.
Ø Waxay
Ummadda Soomaaliyeed u shideen iftiin gobonimo doon xoogan oo sababay in aan
helno xoriyada maanta aan heysano.
Ø Waxay
dhiseen bulsho leh dereen Ummaddeed oo hamigoodu yahay hanashada xoriyadooda.
Ø Waxay
dhiseen bulsho isku xiran oo xoriyadooda wax waliba oo ay heystaan u hora.
Ø waxay
abuureen hal-ku dhigyadii; "Axyaa wadani","Soomaaliyey
toosoo","Qabiil Qaran ma noqdo" iyo kuwa kale oo badan oo
Ummadda hurdada ka saaray indhahana u furay.
Waxaa iyaduna xusid mudan in SYL ay la kulantay
caqabadu fara badan oo ay kala kulan gumeystayaashı reer yurub iyo Soomaalidii
la safnayd sidaa ay tahayna waxay bulshada soomaaliyeed gaar ahaan inta maanta
loo yaqaan Jumhuuriyada Soomaaliya u hibeeyeen guulo wax tar leh oo waaweyn .
Waxaa kaloo jira wax yaabo aysan ka guul gaarin sida qadiyaddii Soomaaliweyn
iyo fartii Cismaaniyada inkastoo Af-Soomaaliga la qoray.
Maxaan ka baran karna SYL, Hadaan nahay dhalinyarada maanta;
·
İn aan yeelan karno qaddiyad qaran iyo kartida ka
mira dhalinteeda.
·
Dhisida bulsho qaddiyad isku heysa oo ay ku faanto
leh.
·
İn ahdaafta lagu gaari karo wada tashi iyo wado
nabadeed.
·
Dhaqan wanaag uu saldhig u yahay; İxtiraam,
İs-qadarin, Walaaltinimo, İsu-tanaasul iyo Kala-danbeyn.
·
Ka hormarinta dantaada khaaska ah tan guud.
·
İn wax waliba loo huro oo dhibkasta loo maro ka mira
dhalinta ahdaaftaada.
·
İn aan yeelan karno siyaasad qaran, aragti ummadeed,
dareen bulsho iyo mid Soomaalinimo.
·
İn guul lagu gaari karo halganka ku dhisan midnimo, walaaltinimo, wadajir, cilmi iyo
wada-shaqeyn.
·
İn laga maarmi karo gacan ajnabi oo qadiyadeena iyo
ahdaafteenaba inaga oo kali ah aan ka guul gaari karno.
Waxaan Alle uga baryayaa dhamaan dadkii qiimaha badnaa ee raadinta xoriyadeena ka qeyb qaatay oo naftooda iyo maalkooda inoo huray in uu u naxariisto qubuurtooda u waasiciyo janadiisana ku arzaaqo. AAMİİN.
Dhalinta maantana waxaa u dardaarmayaa in aan waaqaca aan ku nool nahay si fiican u aqrino, garano halka aan u socono iyo halka inaan aadno aan doooneyno.İnshaAllah.
FG: u jeedada aan maqaalkan yar u qoray mahayn inan tariikh da SYL idinla wadaago laakiin waxaa ugu tala galay in aan qadiyadoodii iyo u ahdaaftoodii wax ka dhaho.
Amaana Allah.
Axmed Maxamed Cali
DHAMAAD
=======================================================
No comments:
Post a Comment