Home

Tuesday, 16 May 2017


Taariikhda Ururkii Dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL

May 15, 2017


Qabiil Qaran Ma Noqdo!

HORUDHAC
Maanta waxay ku aaddan tahay maalintii la aasaasay ururkii dhalliinayaradii gobannimodoonka ahaa ee SYL 15 Maajo 1943.  Marka hore waxaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan da’yarta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan dal iyo dibadba aan leenahay hambalyo waa maalinii, waa maalinteenii, waa maalintii aan ka dhiidhinay dulmigii iyo dhibkii gumeystuhu inagu hayey, waa maalin xusid iyo is xasuusin mudan, waxay muhiimad gaara u leedahay dhallinyarada Soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed iyo qarankoodaba. İntaas kadib waxaan qoraalkeenaan kooban ku dhowri doonaa dhowr qodob oo kala ah in aan bal marka hore wax ka ogaano aasaaskii iyo marxaladihii ay ku sugnaayeen dhallinyaradu, ujeedkoodii iyo waxay hibanayeen , wixii u qabsoomay iyo caqabadihii ay la kulmeen, waxaan kusoo gebo gebayn doonaa duruusta aan ka baran karno iyo bal in ay jirto kaalin innaga inooga bannaan halgankii ay bilaabeen saddex iyo toban dhallinyara ah nusqarni kahor.
Halganka  gobonimodoonka ummada Soomaaliyeed  wuxuu socday wakhti aad u dheer waxaana u kala qaybin karnaa saddex qaybood oo kala ah: Halgankii uu hor kacayay halyeygii Soomaaliyeed ee Axmed Gurey, Halgankii hubaysnaa ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan iyo Daraawiish oo ah halgankii ugu dheeraa qaarada Afrika ee lagula diriro isticmaarka halgankaas Daraawiisheed oo socday muddo 21 sannadood ah iyo halgankii Dhallinyaradii Soomaaliyeed ee SYL. Waxay shucuurtii gobannimodoonku hadba geed hadhsataba, isticmaarna wadajir dab ula dabajoogto, waxaa dhacday inuu dhismay 15-kii Maajo 1943-kii urur dhallinyaro oo la baxay S.Y.C [Somali Youth Club]. Markii dambena isu rogay S.Y.L [Somali Youth League]. Marxaladaan waxay ku soo aadday wakhti uu dunida ka socday dagaalkii 2aad ee adduunka iyo kacdoonkii  gobonimodoonka ee waddamadii la gumeysanayay gaar ahaan dadyowgii Qaaradda Afrika.
Waqtigaas waxaa dhulka ummada Soomaaliyeed gacanta uu ugu jiray gumeysihii Ingiriska iyo Taliyaani marka laga reebo Jabuuti oo Faransiisku ka arriminayey.  SYL waxay si xooggan dib uga shiday shumacii gobonimodoonka ahaa guud ahaan dhulka ummada Soomaaliyeed gaar ahaan intii Ingiriisku iyo Taliyaanigu gumeysanayay.  SYL waxay ahaayeen dhallinyaro la socda waxa ka dhacaya dunida gaar ahaan kacdoonada xoriyaddoonka ahaa ee Qaaradda Afrika ka socday. Waxay dareensanaayeen mas’uuliyadda ka saaran in ummada Soomaaliyeed ay yeelato qaran xor ah oo ay ku mideysan yihiin dhammaan ummada Soomaaliyeed.  SYL waxa ay ahayd aragti ku dhisan İslaamnimo, Soomaalinimo, Soomaaliweyn,  Xornimo, Midnimo ummaddeed,  sinnaan, qaddiyad qaran iyo mid xornimodoon, waddaninimo iyo gumeysi nacayb.
AASAASKII URURKA DHALLINYARADA SOOMAALIYEED [SYL).
Naadiga Dhalinyarada Soomaaliyeed (S.Y.C.) waxaa aasaasay 13 dhalinyaro tariikhdu markii ay ahayd 15, Maajo-1943 -dii. Saddex iyo tabobkaas dhallinyarada ah oo da’doodu u dhexaysay 16 illaa 30 waxay ka dhiidhiyeen dacdarradadii iyo dhibkii uu gumeysigu ku hayey ummadda Soomaaliyeed dhibka aan ka hadlaynaa waa addoonsi iyo xornimo la’aan nooc kasta oo ay tahay iyo tacliin iyo garaadkoodu kora oo aan loo oggolayn. Dhaqdhaqaaqa siyaasadeed waxaa uu bilowday markuu Ingiriis qabsaday Koonfurta Soomaaliya. İngiriisku marki hore ma oggolayn urur magaca xisbi leh. Sidaas darteed ururrada waxaa lagu furay magaca Naadi (Club). Maxaa yeelay weli wakhtigaas Ingiriisku wuxuu cabsi ka qabay in axsaab haddii ay soo baxaan in ay furi karaan albaab dhaqdhaqaaq siyaasaseed iyo xoriyaddoon. Hase yeeshee, wuxuu fasaxay in la furto ururo dhallinyaro  oo magaca Naadi leh, oo haddii la rabo la dhihi karay la idiinma oggola inaad gashaan siyaasadda.
Ururkii ugu horreeyay ee Xamar laga furo wuxuu ahaa Naadiga Dhallinyarada Xamar (Hamar Youth Club- HYC) oo la aas-aasay bishii April 15, 1943dii oo xaruntiisu ahayd Xamar Wayne. Hal bil ka bacdi bishii May 15, 1943 waxaa la furay Naadiga Dhallinyarada Soomaaliyeed [Somali Youth Club] oo markii dambe noqday Xisbiga Dhallinyarada Soomaaliyeed (Somali Youth League- SYL). Duruufaha oo adkaa darteed iyo gobonimo iyo siyaasadda oo aan laga hadli karin ayaa sababay in ay qaab naadi ah ku howl galaan sanadihii ugu horeeyay.  SYL waxay ku shaqo bilowday qaab qarsoodi ah oo dhalinyarada si hoose loogu abuurayay Soomaalinimo da iyo gumeysi nacayb ka lana dareensiinayay qiimaha xoriyadda iyo qaranimo-da ilaa laga soo gaaro sanadkii 1947-kii oo ay magaca Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed SYL la baxeen aragtidooda siyaasadeed ee gobonimo-doonka Ummadda Soomaaliyeedna ay  banaanka soo dhigeen. SYL Waxay dalka gees ka gees ku fidisay xarumo ay ku hawlgalaan dhallinyaradu oo ay ka furteen illaa Siyallow oo ku taala Waqooyi Bari ama N.F.D, Jigjiga oo ku taala Soomaali Galbeed, ilaa Hargeysa iyo Muqdisho inta ka dhex leh. Sanadihii ugu horeeyay halgankii ay SYL hogaamineysay waxay xooga saareen sidey bulshoweynta Soomaaliyeed uga dhaadhicilahaayeen qadiyadaha ay aamminsanaayeen ilaa ay dhammaan ummadu qaateen aragtidii SYL ayna mustaqbalkooda ummadeed ka dhex arkeen himilooyinkii iyo ahdaaftii SYL.
            AASAASAYAASHII IYO  AABBAYAASHI GABANIMADA
            1. Yaasiin Xaaji Cismaan                               8.  Xaaji Maxamad Xuseen
            2. Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawadiin           9. Khaliif Hundow Macallim
            3. Maxamad Cusmaan Baarbe.                       10. Cismaan Geedi Raage
            4. Maxamad Faarax Hilowle                          11. Dheere Xaaji Dheere
            5. Saciid Xirsi Nuur                                        12. Maxamad Cabdulle Xayeesi
            6. Maxamad Cali Nuur                                   13. Cali Xuseen Cali
            7. Daahir Xaaji Cusmaan

HIMILOOYINKII IYO AHDAAFTII DHALLINYARADA
       In shanta Soomaaliyeed la mideeyo, hal qaranna ay dhistaan (Soomaaliweyn).
      In lala dagaalamo caadooyinka iyo dhaqamada foosha xun ooy ka mid yihiin qabyaaladda, quursiga, takoorka iwm.
      In loo halgamo xuquuqda, lana xaqiijiyo gobanimada iyo madaxbanaanida ummadda Soomaaliyeed.
      In xooga la saaro tacliinta, siiba in lagu dadaalo waxbarashada dhallinyarada, iyadoo la aaminsanaa inaan horumar iyo madaxbanaani la gaari Karin waxbarasho la'aanteed.
      In Af-Soomaaliga la qoro oo weliba la qaato farta Cismaaniyada iyadoo fartaas loo arkayey inay tahay mid waddani ah.
      In shacabka lagu baraarujiyo halganka gobanimadoonka iyo madaxbanaanida.
      In meel ay  iska dhigaan dariiqooyinka diiniga ah ee lagu kala duwan yahay.
      In udub dheexaadka himilooyinkooda uu noqdo qaranimo iyo gobonimmo ay ummadda Soomaaliyeed  hesho.
Himilooyinkii SYL waxay noqdeen himilooyin ummadeed qaarkood ummadda Soomaaliyeed way ka dhabaysay qaar kalena weli waa u dhiiman yihiin. Wax yaabo badan oo ay SYL dhaxalsiisay ummadda Soomaaliyeed waxaa ka mid ahaa;
Waxaa abuurmay dareen waddanimo iyo Soomaalinimo kaasi oo abuuray halgan ummaddeed oo aan gobol ku koobnayn balse waddanka oo dhan si wada jira uga hirgala. Waxay halgan dheer u galeen siday Soomaali xornimo-deeda ku helilayd taas oo ay naf iyo maalba u hureen. Waxa xafiisyadooda iyo dhammaan xarumahooda ku tababareen dhallinyaro badan oo ka shaqaysa faafisana himilooyinka ururka. Waxaa jiri jiray koox lagu magacaabo Horseed oo faafin jiray aragtida ururka. Waxay bulshoweynta Soomaaliyeed ka dhaadhiciyeen fikradii gobonimodoonka ahayd. Bulshada Soomaaliyeed oo dhiiraanaan iyo dareen durugsan leh waxay SYL la garab istaagtay taageero nooc waliba leh haba ugu horeeyaan haweenka Soomaaliyeed oo gacan weyn oo maaliyedeed iyo mid kaleba isugu daray. Waxay ilaa heer guul ka gaareen la dagaalanka qabyalada iyo caadooyinka xun ee la midka ah waxayna ku beddeleen walaaltinimo, Soomaalinimo iyo qaddiyad Soomaalimo. Waxay ku guulaysteen xoriyadda labo qayb (gobolada Waqooyi iyo kuwa Koofureed) oo ka mid ah shantii qaybood ee gumeystayaashu dadka Soomaaliyeed u qaybiyeen. Waxay bulshada Soomaaliyeed ku mideeyeen halganka xoriyaddoonka iyo Soomaalinimada. Waxay abuureen hal-ku dhigyo; "Axyaa wadani","Soomaaliyey toosoo","Qabiil Qaran ma noqdo" iyo kuwa kale oo badan oo Ummadda hurdada ka kiciyay korna u qaada hamiga iyo hiraalka dadka Soomaaliyeed.
Wax yaabahii aan suurta galin ee ka mid ahaa himilooyinkii SYL noqdayna qadiyadda qaran waxa ka mid ahaa ; Fikradii Soomaaliweyn oo aan illaa hadda aan gun gaadhin iyo qoritaankii farta Af-Soomaaliga oo dib laga qoray. Ummadda Soomaaliyeed, in kasta oo ay xaalado adag ay jiraan oo dhabar jab ku ah himilooyinkii halgamayaashii Soomaaliyeed oo ahaa Soomaaliwayn [Ban-Somalism], haddana riyadii ahayd in maalin uun ay indhahooda ku arkaan Soomaaliweyn oo mideydsan waxay ku kaydiyeen maskaxda meel aysan marba xasuusta ka lumi doonin.
 MA HADHOOYIN IYO DHACDOOYIN MUHIIM AH.
A.    Doorkii garabka haweenka [sisters] iyo dhacdadii HANOOLAATO [1948].
Hanoolaato (Long live Somalia) waxay dhacday 11-kii bishii Janaayo 1948-dii, Xaruntii Naadiga waxaa joogay dad ilaalo ah, oo waxaa jiray shaki ku saabsan in Gumeystaha ay daqiiqad kasta soo weerari karaan. waa dhacdo xusuus ku leh Soomaalida, qaybna ka ah dagaalada lala galay gumeysiga. Talyaaniga iyo daba-dhilif Soomaali ahaa ayaa soo weeraray Xarunta Naadiga oo ku taalay agagaarka halka hadda ay ku taalo Taallada. Gumeystaha Talyaaniga, waxba looma reeban, Soomaalidii waa isku habar wacatay, Talyaanigii iyo kooxihii daba dhilifka ahaa ee uu soo kireystay waxaa lagu hareereeyay Bilaajo Carab, waxaana halkaas lagu dilay 54 Talyaani ah iyo dhaawaca oo lagu sheegay ilaa 55. Goobtaasi waxaa lagu dilay Soomaali badan oo ay ka mid ahayd Xaawo Cusmaan [Xaawo Taako]. Halgankii gabanimodoonka waxaan marnaba la iloobi karin doorkii haweenka  Soomaaliyeed oo xiligaasi la oran jiray Sisters kaalintii lixaadka lahayd ee ay kasoo qaateen halgankii xornimada, kuwaa waxay naf iyo maalba u hureen sidii loo gaari lahaa xornimo,  waxaa kamid ahaa  Xaawo Taako oo oo lagu dilay albaabka Leegada hortiisa iyo Timiro Cukaashe oo ay ku dhashay xabsiga gumeysiga dhexdiisa iyo kuwa kale oo aan xasuus ku soo koobi karin dahabkooda u gadayey sidii uusan geedigu u dhicisoobin.
B.     Dhacdadii Dhagaxtuur (October 5, 1949)
Bishii Septeember 1949kii ayaa waxaa furmay kalfadhigii golaha guud ee Qaramada Midoobay. kalfadhigaas ayaa laga sugayey inuu go’aan ka gaaro aayatiinka dalalkii Talyaanigu gumeeysan jiray oo ay Soomaaliya ka mid ahayd. Leegadu waxay magaalada New York u dirtay Cabdilahi Ciise Maxamud oo ahaa Xoghayaha guud ee SYL si uu u cabbiro mawqifka Leegada. Cabdullahi Ciise Maxamuud isagoo ku sugan Magaalada New York waxaa uu SYL usoo diray qoraalkii ama racfaankii caanka ahaa ee la magac baxay Appello ai Somali (Somali Appeal)  oo uu ugu sheegayey guud ahaan shanta Soomaali, SYL iyo caalamka intaasa kale qatarta uu leeyahay qorshaha Soomaaliya loogu dhiibayo Taliyaani (Sforza Bevin Plan), arrintaas oo misana Qaramada Midoobey ku kala jabtay. Marka farriintii Cabdullahi Ciise waxay gilgisay dareenka iyo quluubta ummadda Soomaaliyeed. October 5, 1949kii ayeey Leegadu mudaaharaad ka dhan ah Talyaaniga ka sameeysey goobta loo yaqaan Dhagaxtuur.
Dagaalkan Dhagaxtuur, waxay dhexmartay Ururkii xornimadoonka ahaa ee SYL iyo Ingiriiska oo wakhtigaasi dalka oo idil haystay. dowladda Ingiriiska waxaa ay is bidday xoog, waxaay bandow kusoo rogtay dadka, dagaal is burbursi ah kadib oo Soomaalidii dhagax ay ku dagaalamayeen waxaa halkaas ku dhintay laba qof, waxaana ku dhaawacmay 50. Tiro 4-5 booliska Ingiriiska ah ayaa dhacdadaasu galaafatay. Dhacdadaas taariikhiga ah kadib, November 21, 1949kii ayeey  Golaha Guud ee Qaramada Midoobay soo saareen go’aankiisii lagu caddeeyey in Soomaaliya loo dhiibo maamul Talyaani ah oo 10 sano ah, Qaramada Midoobayna ku ilaaliyaan.
 DHALASHADII XORIYADDA IYO ISRAACII LABADA GOBOL [1960].
 Bishii June 26, 1960kii, waxaa madax bannaani la siiyey gobollada Waqooyi oo ka mid ahaa dhulkii Soomaalida ee ay haysatay dowladda Ingiriiska oo halkaas joogtay laga soo bilaabo sanadkii 1884tii. Kowdii Bishii July waxaa xornimo qaatay gobollada Koonfurta oo ku hoos jiray, markii isticmaarka Taliyanaiga, laga soo bilaabo 1889kii ilaa dagaalkii labaad ee adduubka oo Itaalya guuldaraystay kaddibna laga saaray Koonfurta Soomaaliya, halkaasi oo uu Ingiriis gacanta ku hayey laga soo bilaabo 1941dii ilaa 1950kii oo uu ku wareejiyey Wasaayadda Qaramada Midoobay oo Itaalya madax looga dhigay. İsla kowda Luulyo, 1960kii waxaa israacay labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfurta, waxaanna markaas dhalatay Jamhuuriyadda Soomaaliya. Markii ay xoroobeen labo qaybood oo ka mid ah shantii qaybood ee Soomaaliya uu u qaybiyey gumaystuhu ayna israaceen labadii gobol ee Waqooyi iyo Koonfur waxay Soomaalidii wagaas marnaba aan quluubtooda ka bixin saddex da qaybood ee kale oo weli gacanta ugu jiray isticmaarka. Hees dareenkii ummadda Soomaaliyeed ee wakhtigaasi ka turjumaysa ayaa waxay ahayd ‘’Waa seermaweydoo iyo saban barwaaqee, saddexdii maqnaanaa way soo socdaane’’.


CAQABADIHII IYO WAXYAABIHII WIIQAY AWOODIHII SYL.
Halyeeyadii Soomaaliyeed ee SYL waxay qabteen howl qaran oo gumeystihii xilligaas dalka joogay ka yaabiyey, marka laga eego dhanka gaarsiinta mabaadii’da ku dhisan Soomaalinimada, midnimada iyo guud ahaan faafinta dareenka waddaniyadda  ee guud ahaan dacallada geyiga Soomaaliyeed (Barnes, 2007). SYL waxay ku guuleysteen in ay abuuraan guux waddaniyadeed oo xilligaas aad loogu baahnaa, iyadoo uu halganka lagu la jiray gumeystuhu ahaa mid uu agaasinkiisu hooseeyey oo qolo iyo qabiil walbaa uu geeskiisa u dagaallamayey, aragti aan in xoolaha iyo naftaba gumesytaha laga ceshto aan dhaafsaneynna ma aysayn jirin. Hase yeeshee, xawaarihii uu mabda’a ku bilowday iyo jiritaan la’aanta siyaasad caga adag ku taagan oo lagu jihaysa howlaha halganka ayaa sababtay in xarumihii kala duwanaa ee SYL ee ku kala yiilay magaalooyinka dalka iyo raggii madaxda ka ahaaba ay midba dhinac u jiiteen. Waxaa intaa sii dheer, in dalka ay gacanta ku kala hayeen gumeysteyaal badan sida; Ingriiska, Talyaaniga, Faransiiska iyo Xabashida oo dhammaantoodna doonayey in ay galgal iyo saameyn muuqata ku yeeshaan Soomaaliyada mustaqbalka. Waxaana lagama maarmaan ahaa in ay jirto siyaasad ku aaddan la tacaamulka isticmaarka qaybihiisa kala duwan. Waxaa dhacday in xubno ka tirsanaa SYL oo dhallinyaro xamaasadaysan u badnaa ay ku dhaqaaqaan falal dhaliyey qalalaaso iyo daganaan la’aan siyaasadeed, taas oo ka soo hor jeeday hab shaqada naadiga, oo ku dhisnaa in qalin iyo qunyar socodnimo lagu dagaallamo. Falalkaas qaarkood waxay soo dadajiyeen in qaar ka mid ah qaybihii isticmaarka in ay u heshiiyaan seedo iyo feyl-goynta iyo maja xaabinta howlihii dhallinyarada. Waxaa intaa sii dheer jiritaanka kooxo sokeeye oo muuqa inooga eeg magacana inala sheeganaya kuwaasi oo u fududeyn jiray isticmaarka sidii ay u damin lahaayeen shumaca midnimada ee ay naadigu shideen kaas oo malaayiin Soomaaliyeed ku baraarujey in ay leeyihiin, dal, dhul dihan, iyo qab Soomaalinimo oo u baahan in loo istaago loona huro, naf iyo maal. "Taariikhda dib u eega waa laga dab qaataaye'' C/Qaadir Shube
Waxaa xusid mudan qarniyadaas aan ka hadlayno sida ay u jireen waddaniyiin dalkooda iyo dadkooda jecel in ay u jiraan maantana sida si lamida waxaa garab socda hagardaamooyin iyo kuwo u adeegaya cadowga, maantana si lamida whakhtiga ayuunbaa isbeddelay labad caynba waa ay  jiraan  waana jiri doonaan mar inta aan jirno kuwo waddaniyiina oo daacad ah danta dalka iyo dadka u adeegaya iyo kuwo cadowga u adeega oo khaayinul-waddana.
KAALINTA DHALLINYARADA MAANTA.
Xilligii isticmaarka, dhallinyaradii noolayd waxay ahaayeen kuwo ku nool marxalado aad iyo aad u adag oo siyaabo badan uga duwan kuwa maanta. Dhallinyaradii waagaasi waxay ahaayeen kuwo ku dhashay oo ku koray iyadoo dhulka Soomaalida uu nacab shisheeye ka talinayo. Dadka dhiigooda si micno darro ah loo daadinayo, maalkoodana la dhaco. Xoriyad iyo tacliin iska illow iyada. Arrinkaasi oo ku abuuray dhallinyaradii waagaasi waddaniyad iyo dal iyo dad jacayl. Dareenkaasi waddaniyadeed wuxuu dhaliyey inay u midoobaan cadowgooda ayna genefka ku dhuftaan gaashaanka u daruuriyaan oo guluf iyo dirir lagu saarayo nacabka kala horyimaadeen quwado waa wayn oo hadh iyo howba u diiday. Waxay jiif iyo joogba uga tageen oo naf iyo maalba u hureen in aan innagu helno xornimo.
Kaalinta maanta innaga inooga bannaan halgan ay bilaabeen dhallinyaro Soomaaliyeed muddoo hadda laga joogo 74 sano oo aan maanta tiro, tamar, aqoon iyo dakhliba (income) ka badan nahay runtii waa mid mugwayn. Sida aan kor ku soo xusay saddexdii qaybood ee gacanta gumaystaha ku hadhay marka laga reebo Soomaalidii uu Faransiisku gumaysan jiray (France Somaliland ama Djabuti)  oo bishii June sanadkii 1977dii, gobannimada qaatay. Labadii qaybood ee kale ee Waqooyi Bari (N.F.D)  iyo Soomaali Galbeed waxay weli ku jiraan gacantii cadowga, waxayna sugayaan waa dhallinyarada Soomaaliyeed. Arrinkaas waxaan ku cabbiri karaa hees ay ku luqayso Xalimo Khaliif Magool Eebbe ha u naxariisteen oo ahayd ‘’Nin lagu seexdoow ha seexan’’. Dhallinyarada Soomaaliyeed hurdo uma eeka maanta waxay buuxin karaan booska uga aaddan halgankaas dhallinyaradii assaagood ahayd ay bilaabeen kolkay gees iska dhigaan qabyaaladda iyo qoloqolada ayna usoo jeestaan qaranimo.
https://drive.google.com/file/d/0B01PHoelZ9edR0hhMTktNlBiQmc/view?usp=sharing


                                                
                                                    ©WaxaNahayHal
 --Dhamaad--lowerside.png