Home

Saturday, 14 May 2016

S.Y.L. iyo Wadadii xoriyadda;



Waxaan dhamaan Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida ka joogaan ugu hanbalyeynayaa sanad guuradii 73'aad ee aas-aaskii ururki gobonimo doonka Soomaaliyeed ee SYL.

     SYL waxa ay ahayd aragti ku fadhisa İslaamnimo, Soomaalinimo, Soomaaliweyn,  Xornimo, Midnimo Ummaddeed,  Sinaan, qaddiyad qaran iyo mid Ummaddeed.
   SYL waxay ahayd qaddiyad ku dhisan xoriyad doon, wadaninimo iyo gumeysi naceyb.

   Halku dhigyadii SYL waxaa ka mid ahaa ;

 "  Hadba waxaan laa ooyaayoo ilmadu iiga qubaneysaa Iqtiyaar nin loo diidoo La addoon sadaan ahayee".
 " Soomaaliyeey toosoo toosoo isku tiirsada ee hadba kiina taag daran taageera waligiin".


Maanta waxay Ummada Soomaaliyeed u tahay maalin qiimo weyn ugu fadhida, isla markaana kaalin weyn ku leh dhalashadii iyo hanasahadii xoriyada Ummadda  Soomaaliyeed ay hanatey sanadkii 1960-kii.

Wadan  waxaa uu wax ku noqdaa horumarna ku gaaraa marka uu madaxbanaani buuxda heysto sameystana hogaan ku dhisan cadaalad iyo aqoon,  hadaba waxaan ognahay in ummadaha ka xoroobay gumeystaha aysan si fudud ku gaarin xoriyadda iyo gobanimadooda ay heystaan balse ay dhib u soo mareen dhiigna u daadiyeen, Ummadda soomaaliyeed waxaa ay ka mid aheyd ummadihii la gumeystay  sidii ay u xoroobi lahaydna  waxay u soo martay halgan dheer, halkan waxaan uga hadlayaa hal qeyb oo ka mida halgankaa dheer.

         Aas-aaskii Xisbigii Leegada (SYL);


SYL waxaa aas-aasay 13 dhalinyaro maanta oo kale sanadku marku ahaa 15-maajo-1943 kii ururku waxuu markiisii hore ku shaqo bilaabay hab qarsoodi ah oo si cad loogama hadli karin siyaasada iyo xoriyad toona sidaa awgeed ayaa waxa ay ururka ugu dhawaaqeen markiisii hore  naadi ahaan , Naadiga Dhalinyarada Soomaaliyeed(S.Y.C.) sidaa ayay ku shaqeynayeen ilaa laga soo gaaro 15-maajo-1947 oo ay magaca SYL la baxeen aragtidooda siyaasadeed ee xoreynta Ummadda Soomaaliyeedna ay  banaanka soo dhigeen,  Dhalinyaradaas waxay kala ahaayeen ;

    1. Yaasiin Xaaji Cismaan                            8.  Xaaji Maxamad Xuseen
    2. Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawadiin     9. Khaliif Huudow Macallin
    3. Maxamad Cismaan Baarbe.                 10. Cismaan Geedi Raage
    4. Maxamad Faarax Hilowle                     11. Dheere Xaaji Dheere
    5. Sayidiin Xirsi Nuur                                 12. Maxamad Cabdalla Xayeesi
    6. Maxamad Cali Nuur                               13. Cali Xasan Maxamad"Verdura
    7. Daahir Xaaji Cismaan

   Dhalinyaradaani waxa ay ku heshiiyeen;

1.     In loo halgamo, lana xaqiijiyo gobanimada iyo madaxbanaanida ummadda Soomaaliyeed.
2.   In shanta Soomaaliyeed la mideeyo, hal maamulna la isugu keeno.
3.   In xooga la saaro tacliinta, siiba in lagu dadaalo waxbarashada dhallinyarada, iyadoo la aaminsanaa inaan horumar iyo madaxbanaani la gaari Karin tacliin la'aanteed.
4.   In af Soomaaliga la qoro oo weliba la qaato farta cismaaniyada iyadoo fartaas loo arkayey inay tahay mid waddani ah.
5.    In shacabka lagu baraarujiyo halganka gobanimadoonka iyo madaxbanaanida.
6.   In la tirtiro caadooyinka iyo dhaqamada foosha xun ooy ka mid yihiin qabyaaladda, quursiga, iskala takoorka iwm.


Waqtigii la aas-aasay S.Y.L. iyo ka horba Ummadda Soomaaliyeed  waxay gumeystayaasha kala duwan kula jirtay dagaal adag oo dheer laakin ma ahayn mid wadanka dhan si wada jira uga dhaca, Waxuu ahaa mid ka dhaca deegaano iyo gobolo kala duwan ma jirin awood mideysan oo wadanka dhan si siman uga wada dagaalama. Waxaa jiray in intii isku meel degan ama isku qolo ahba in ay ku midoobeen la dagaalanka gumeystayaasha si da meelo badan ka dhacday. Kadib aas-aasakii SYL wax yaabaha ay ku soo kordhiyeen bulshaweynta Soomaaliyeed waxaa ka mid ahaa: İn ay bulshada ka saaraan kasmada iyo aragtidii gabneed  kuna qanciyaan garashada siyaasadeed ee ay huwan-tahay qarannimadu dadaal iyo juhdi dheer kadib ,  waxaa abuurmay bulsho leh dareen Qarannimo, Soomaalinimo, Wadaniyad, is-jaceyl Ummaddeed iyo nacayb gumeysi taas oo sababtay in inta badan bulshada Soomaaliyeed ay ku qancaan,rumeyaan , kuna howl galaan midnimo iyo Soomaalinimo.Waxyaabaha ay SYL ka dhiidhisay ee ay bulshada kalsoonidooda ku kasbadeen waxaa ka mid ahaa;

Waxaa magaalada Muqdisho ka dhex shaqeyn jiray baabuurta dad-weynaha qaada oo aan loo ogoleyn iney Soomaalidu raacdo kaliya waxaa raaci jiray dadka cad-cad gaar ahaan kuwii talyaaniga. Maalin maalmaha ka mida ayaa waxaa basaskii midka ka mida soo raacay labo dhalinyaro oo kamida dhalinyaradii SYL waxaa lagu amray iney ka dagaan  waase diideen in ay ka degaan baabuurkii dagaal gacanta ah ayaa dhex maray ayaga iyo ninkii Talyaaniga ahaa, waxaa dagaalkoodii kusoo baxay ciidamadii nabadgelyada waxayna arintooda gaartay wakiilka Ingiriiska u fadhiyay Xamar

Wakiilkii Ingiriiska ayaa xukumay in:

1. In baabuurka lagala wareego ninkii Talyaaniga ahaa
2. Iyo in dadweynaha soomaaliyeed ay raaci karaan dhammaan gaadiidka ka shaqeeya gobalka banaadir.  

Arintani waxaa ay noqotay in dadku ogaadaan in waxa laheysto iyo dadka loo diidayo in ay raacaan baabuurta ay yihiin muwaadiniinta dalka iska leh sidaas darteedna ay kordhiyaan iska caabinta gumeystaha.
Wada tashi mudo bila ah u socday kadib dhalinyaradii waxay isku raaceen in ay wakiilkii Ingiriiska waraaq codsi u qoraan si ay naadiga furaan marki ay u tageen wakiilkii Ingiriiska ayaa waxaa dhexmartya dhacdadaan casharka u ahayd ilaa maantana Soomaalida sidii iyo kadaran cashar ugu noqon karta waxa uu ku yiri ; '' Waxaad ka koobantihiin dhalinyardiina qabiilo kala duwan waxaana hubaal ah in aadan kuwa hishiin Karin feker iyo ra’yi toona, aniga waxaan idiin arkaa dhurwaayo iyo ari mooro lagu wada xareeyay, sideed naadi ugu hishiin kartaan khilaaf la’aan".
Dhalintii oo aan hadal kulul ku celin Karin madaxa mustacmaradda ayaa ugu jawaabay; " Hadalkaada waxaan ka dhiganeynaa cashar aan ka faa’iideysano, waxaana barbaarin doonnaa Dhurwaayada, si aysan ariga u cunin, mana fogaan doonto in aad aragto anagoo ku wada nool Naadiga oo aan wax muran iyo khilaaf uusan ka dhex jirin".

     SYL bulshada Soomaaliyeed waxay dhaxalsiisay;


Ø  Waxay  la dagaaleen qabyaalada waxayna xoojiyeen Soomaalinimada.
Ø  Waxay bulshada dareensiiyeen dulinimada gumeysiga iyo wanaaga iyo fiicnaanta xoriyada.
Ø  Waxay Ummadda Soomaaliyeed u shideen iftiin gobonimo doon xoogan oo sababay in aan helno xoriyada maanta aan heysano.
Ø  Waxay dhiseen bulsho leh dereen Ummaddeed oo hamigoodu yahay hanashada xoriyadooda.
Ø  Waxay dhiseen bulsho isku xiran oo xoriyadooda wax waliba oo ay heystaan u hora.
Ø  waxay abuureen hal-ku dhigyadii; "Axyaa wadani","Soomaaliyey toosoo","Qabiil Qaran ma noqdo" iyo kuwa kale oo badan oo Ummadda hurdada ka saaray indhahana u furay.
 
Waxaa iyaduna xusid mudan in SYL ay la kulantay caqabadu fara badan oo ay kala kulan gumeystayaashı reer yurub iyo Soomaalidii la safnayd sidaa ay tahayna waxay bulshada soomaaliyeed gaar ahaan inta maanta loo yaqaan Jumhuuriyada Soomaaliya u hibeeyeen guulo wax tar leh oo waaweyn . Waxaa kaloo jira wax yaabo aysan ka guul gaarin sida qadiyaddii Soomaaliweyn iyo fartii Cismaaniyada inkastoo Af-Soomaaliga la qoray.

Maxaan ka baran karna SYL, Hadaan nahay dhalinyarada maanta;

·         İn aan yeelan karno qaddiyad qaran iyo kartida ka mira dhalinteeda.
·         Dhisida bulsho qaddiyad isku heysa oo ay ku faanto leh.
·         İn ahdaafta lagu gaari karo wada tashi iyo wado nabadeed.
·         Dhaqan wanaag uu saldhig u yahay; İxtiraam, İs-qadarin, Walaaltinimo, İsu-tanaasul iyo Kala-danbeyn.
·         Ka hormarinta dantaada khaaska ah tan guud.
·         İn wax waliba loo huro oo dhibkasta loo maro ka mira dhalinta ahdaaftaada.
·         İn aan yeelan karno siyaasad qaran, aragti ummadeed, dareen bulsho iyo mid Soomaalinimo.
·         İn guul lagu gaari karo halganka ku dhisan  midnimo, walaaltinimo, wadajir, cilmi iyo wada-shaqeyn.
·         İn laga maarmi karo gacan ajnabi oo qadiyadeena iyo ahdaafteenaba inaga oo kali ah aan ka guul gaari karno.

Waxaan Alle uga baryayaa dhamaan dadkii qiimaha badnaa ee raadinta xoriyadeena ka qeyb qaatay oo naftooda iyo maalkooda inoo huray  in uu u naxariisto qubuurtooda u waasiciyo janadiisana ku arzaaqo. AAMİİN.
Dhalinta maantana waxaa u dardaarmayaa in aan waaqaca aan ku nool nahay si fiican u aqrino, garano halka aan u socono iyo halka inaan aadno aan doooneyno.İnshaAllah.

FG: u jeedada aan maqaalkan yar u qoray mahayn inan tariikh da SYL idinla wadaago laakiin waxaa ugu tala galay in aan qadiyadoodii iyo u ahdaaftoodii wax  ka dhaho.

 Amaana Allah. 
  Axmed Maxamed Cali
DHAMAAD
                    =======================================================