Home

Tuesday, 22 March 2016


MUSTAQBAL MADOW!!

 Sidaan qormadeydii hore uga soo hadlay dhalinyaradu waa laf dhabarta Ummadd kasta waana kaydka dhabta ah ee ay haysato, haboonna in si fiican looga fa'iidaysto, Ummadd walibana Mustaqbalkeedu waxuu ku xiranyahay barbaarinta caruurteeda iyo hagida dhalinyaradeeda, Ummaddii garata qiimaha dhalinyaradu leedahay oo ku barbaarisa dhaqankeeda iyo Tariikhdeeda soona saarta dhalinyaro garanaya waxa ay yihiin iyo halka ay u socdaan waxay gaarayaan guulo iyo hormarba, Waxayna noqoneysaa ummaddasi mid mustaqbal wanaagsan leh.


Maanta waa sidee caruurta iyo dhalinyarada Soomaaliyeed!!?



 Guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed maanta waxay mareysa waqti ka mida waqtiyadii ugu adkaa ee Soomara, waxaa maalin waliba soo badanaya dhacdoooyinka laga arga-gaxo ee ka dhacaya wadankii, waxaase ka sii naxdin badan dareen la’aanta jirta iyo la qabsiga ay bulshadu la qabstay dhacdooyinka xu-xun ee ka dhaca wadanka.
Dhibaatooyinkaa guud ee wadanka ka jira waxaa ka mida, mid caruurta iyo dhalinyada gooni u heysata;
 Caruurta iyo dhalinyada Soomaaliyeed maanta waxay ka koobanyihiin : kuwa iyagoo caruura inta maskaxda laga xaday la dagaal galiyo, kuwa wax barasho la’aan heyso oo jahli la nool , kuwa macluul u le’da, kuwa inta tahriibaan baddaha iyo saxaraha ku dhamada, kuwa maandooriye dilooday, kuwa xabsiyada aduunka buuxa, kuwa wadanka  wax ku bartay oo shaqo la’aan darteed guryaha iska fadhiya, kuwa kalana wadanka dibbadiisa ayay ku dhasheen kuna noolyiihiin in badan oo ka midana waxaaba laga yaabaa iney un maqleen wadan Soomaaliya la dhaho oo kali ah intana waxba u dhaafsiisneen. Waxaan oo dhan iyo wax yaabo kale oo la mid ah, waa dhibaatooyinka maanta heysta caruurta iyo dhalinyarada  Soomaaliyeed.  Dhibaatooyinka caruurta heysta waxaa ugu xun uguna dhib badan tan wax barasho la’aanta, waxay kaliftay in qaar badan oo ka mdi ahi ay cadowgooda u gacan galaan loona isticmaalo laynta bulshodoodii, wax la aqbali karo ma aha in caruurteenu maanta Al-shabab wax barasho u doontaan, waa wax laga naxo, laga arga-gaxo, laga gubto qof kastoo dareen lahi waxuu dareemi karaa meesha maanta an joogno wey adagtahay in aan xal gaarno ama nabad helno inta dhibaatooyikaani jiraan, inta caruurteena luuqyada laga wadanayo ee la inagu leynayo.
 Danteena maanta iyo bariba waxay ku jirtaa in aan caruurteena wax barno, ka reebno cadowga, halka ay ayaga wax barasho uga doonanayaan waxay ahayd in labaraa in cadowgooda kowaad ayaga yahay, hadii kale waa in laynta caruurteena iyo dhalinayaradeenu waa dabar gownta Ummaddeed ee la inala maaganyahay, Maalinkasta in badan caruur ah ayaa la dilaa, hadana intii oo kale ayay soo wadaan oo soo dagaal galiyaan, waxa dhacaya waa mustaqbal la’aan, waa xaalufin lagu hayo Ummaddaan, waxaan ku qasbanahay inaan xal u helno xaalufintaan inagu socota hadii kale iska mustaqbalka iyo jiritaankeena berri'e kan maanta ayaa shaki ku jira .
 Dhamaan qeybaha kala duwan ee Ummadda Soomaaliyeed waxaa ku waajiba ilaalinta caruurta iyo wax baridooda, waana waa jib Ummaddeed oo ina wada saaran caruur kasta oo wax barasho la’aan darteed iyo baaga-muudo heyso awgeed wada looga helo oo si xun loo adeegsado waa la ina weydiin Alle agtiisa, waxuuna halis ku yahay jiritaankeena Ummaddeed ee maanta iyo berriba. Alle ha inaga dhigo kuwii garta waajibaadka inaga saaran curuurteena, mustaqbalkooda iyo jiritaankeena Ummaddeedba. AAMİİN. 


 Amaana Allah. 
  Axmed Maxamed Cali
DHAMAAD
                    =======================================================


Wednesday, 16 March 2016

DHALİNYARADA SOOMAALİYEED SHALAY İYO MAANTA !!?


Hordhac;

   Dhallinyarada Soomaaliyeed waxey baal dahab ah uga jiraan tariikhda Umaddena, kaalintii ay ku lahaayeen halgankii la dagaalanka gumeysiga, kaasoo ay u hureen naftooda, maalkooda iyo waxwaliba oo ay heysteen sidii Soomaaliya ay gobanimo u gaari lahayd. Alle ayaan inuu u naxariisto ugu baryayaa dhamaan intii jiritaankeena u soo halgantay oo naftooda ku waayay.
Kadib gobannimada aan qaadanay 1960kii, waxaa wadanka ka abuurmay ururo dhalinyaro oo badan waxbadan ayayna wadanka iyo bulshada ku soo kordhiyeen, waxaa ka mid ahaa ururadii dhalinyaro ee abuurmay xoriyadii kadib ururka dhallinyarada Soomaaliyeed; ururadan waxay ka hawlgali jireen dalka gudihiisa iyo xiriirka dhallinyarada caalamka iyaga oo ku lahaa kaalin muuqata.

Waqtigii dowladii kacaanka dhallinyaradu waxay laf-dhabar u ahaayeen mashaariicda dowlada ee wadanka laga fulinayay sida, İskaa wax u qabso, Hanuuninta dadweynaha, Bacaadcelintii shabeele, Ololihii farbarashada ee halku dhigiisu ahaa Bar ama baro ayaan lagaa badin iyo Dadkii dhibaatadu ka soo gaartay Abaartii Dabadheer, dhamaan mashaaricdaan meel marintooda waxaa gacan weyn ka geestay dhalinyarada Soomaaliyeed.
Dhalinyarada Soomaaliyeed waxay ahayd dhalinyaro dhalinta caalamka saameyn kulahaa, Ururrada dhalinyarada Soomaaliyeed waxay ka mid ahaayeen hay’adaha hoggaaminta Dhalinyarada iyo ardayda aduunka, iyagoo ku martigalinjirey dalkeena shirarka dhallinyarada WFDY (World Federation Democratic Youth)  iyo
 shirar kaleba, dhalinyarada Soomaaliyeed 
qiimo ayay ku dhexlahayeen dhalinyarada aduunka.

Kadib burburkii qarankii Soomaaliyeed, dhallinyaradu waxay la kulmeen dhibaatooyin badan, Waxaa laga dhigtay jaran-jaro meel walba lagu koro oo ujeedadii loo baahdo lagu gaaro iyadoo lagu soo dhaweysanayo qaab qabiil, qaarna aqoon la'aantooda laga faa'iideystay oo inta maskaxdii laga xaday iyagoo caruura la dagaal galiyay, dhiigooda laga macaashay dhexdoodana la isku laayay. Waxaa jira oraah cadeyneysa waxii dhacay oo oraneysa "Alla dhallintu waa ma liibaanayaal lagu liibaano ", Dhacdooyinka oo mirahii kasoo baxay ay noqdeen kalsoonidii dhalinyaradu wadanka ku qabtay oo dhamaatay, wadankii dhexdiisa ku dhibaateysan wax barasho laaan , shaqo laaan iyo inta kale ee ay dadkale la wadaagaan,  qaar badan dhalinyarada ka mida waxay noqdeen  kuwa xabsiyada aduunka ka buuxaan kuwa badaha ku dhamaaday iyo kuwa saxaraha ku dhibaateysan intaba.

            DHALİNYARO SEE AH BAAN U BAAHANAHAY!!?


Maanta bushadeenu waxay u baahantahay dhalinyaro hadaf cad, aragti dheer iyo dareen İslaamnimo, Soomaalinimo iyo mid Umaddeed leh kuna qanacsan dhulkooda hooyo diyaarna u ah iney wax waliba u huraan, dhalinyaro meel dheer wax ka arka oo ahdaaf qaran iyo mustaqbal ifaya sawiran kara kana shaqeeya, dhalinyaro sharaftooda, Calankoda iyo midnimadoodaba kor u qaada, dareensana howsha hor taala iyo sidii ay uga guul gaari lahaayeen, dhalinyaro garta guttana waajibaadkooda qaran, dhalinyaro aragtidooda iyo qorshayaashooda qaran ilaashan kara danta guudna aan gor-gortan ka galin, Dhalinyaro wax waliba ka dhex dhaca ka eega danta guud, Miisaanka kali ah ee ay wax ku cabirtaana uu yahay SOOMAALİNİMO.
Waxaan u baahanahay dhalinyaro aqoon iyo karti leh oo indheergarad ah intaana ay u dheertahay qiyamka, İslaamnimo, Soomaalinimo, qarannimo iyo bani'aadannimo.

Erayo waana ah oo uu tiriyay Alle ha u naxariiste Abwaan: Cabdi Muxumed Amiin


Dhallinyahay dhammaanteen xumaha ma iska dhaafnaaa?
Haa Haaaa
Dhallinyahay dhammaanteen samaha ma u dhaqaaqnaa?
Haa Haaaa
Dhallinyahay dhammaanteen dhulka ma u shaqeynaa?
 Haaa Haaa
Dhallinyahay dhammanteen cududda ma isu dhiibnaa?
 Haaaa Haa
Dhallinyahay dhammaanteen dheg-xumada ma diidnaa?
Haaa Haa
Dhallinyahay dhammaanteen dhigeen ma u ekaanaa?
   Haaa Haaaa
  -------------------------                         

Waxaan wadajir loo dhalin
Nina ku dhaadanmaayee
Waxaan dhididka loo shubin
Nin kuma dhergaayee
Waxaan garasho loo dhigin
Dhaliil lagama waayee
Waxaan dhiirri loo qaban
Hadal kuma dhammaadee
Waxaan seeska loo dhigin
Dhaxal lagama gaaree

                                            Erayadii : Cabdi Muxumed Amiin

 Amaana Allah. 
  Axmed Maxamed Cali
DHAMAAD
                    =======================================================

Monday, 14 March 2016

             Maanta iyo Dhalinyarada Soomaaliyed

 Hordhac


Sida aynu wada ogsoonyahay dhalinyaradu waa laf dhabarta Umadd kasta waana kaydka dhabta ah ee ay haysato, haboonna in si fiican looga fa'iidaysto, Ummad walbana Mustaqbalkeedu waxuu ku xiranyahay dhalinyaradiisa, Ummadii garata qiimaha dhalinyaradu leedahay oo ku barbaarisa dhaqankeeda ,Tariikhdeeda soona saarta dhalinyaro garanaya waxa aya yihiin iyo halka ay u socdaan waxay gaarayaan guulo iyo hormarba, Waxayna noqoneysaa ummadasi mid mustaqbal wanaagsan leh.Laakiin Umaddii iska dayacda dhalinyaradeeda waxa ku dhaca baaba’a iyo dabar go’a. Dhalinyarada iyo dhalinyaradanimadaba waa wax runtii aad u qaali ah oo hadii muhiimadii ay lahayeen aan lasiinin laga shalayo.

İntaanan tan maanta u galin waxaan rabaa inan si kooban uga hadlo booska ay dhalinyarada Soomaaliyeed kaga  jiraan shacabka, ku dhawaad %70  Shacabka Soomaaliyeed waa dhalinyarado, waana laf dhabarta Ummadena, guulaha aan ku faano oo qiimaha inoogu fadhiya oo idil waxaa Alle ka sokow abaalkeeda iska leh dhalinyarada Soomaaliyeed ee wax kasta u huray  si ay markasta wadciga jira iyo wanaaga Ummada uga qeyb qaadan lahaayeen, tusaale waxaan u qaadan karnaa Aabeyaashii gobonimo doonka Soomaaliyeed ee S.Y.L. oo aan wada ognahay qiimaha ay inoogu fadhiyan iyo sidaan ugu faano Ummad ahaan waxay ku guuleysteen iney Soomaali xornimadeeda hanato, waxaan Alle uga baryayaa inuu dhamaantood u naxariisto, janadiisana ku irsaaqo Amin.  S.Y.L. waxaa lagu xusuusta oo aan kabaranayna qiimaha midnimada iyo wada jirku leeyahay waxaa kale oo aan kabaraneyna inaan qabiil iyo qaran is qaban qabyaaladna wax wanaag ahi ku jirin qofkasta oo ka shaqeynaya arimaha bulshadeena  uu ku dadaalo, midnimo, walaaltinimo iyo wada jirka kana fogaado qabyaalada kala qoqob iyo tafaraaruq .

Markan u imaado waxa aan rabo inaan ka hadlo oo ah Maanta iyo Dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaan ku sifeyn karaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee Maanta, dhalinyaro aan si dhaba u helin barbaarintii Ummadeed ee ay ku hanan lahaayeen kuna dhisan lahaayeen Mustaqbalkoda ayna ku sameysan lahaayeen wadooyinkii ay ku gaari lahaayeen Hankooda, himilooyinkooda iyo hiralkooda. Badanaa dadka uma kala saarna wax barashada iyo barbaarinta Ummadeed, wax barashudu mar waliba waa lagama maarmaan waliba qarnigaan aan joogno waxaa lagu sifeeya qarniga cilmiga sida darteed qarnigan iyo waxbarasho la’aan waa waxaan is qabanayn, laakiin qofka aysan Ummadiisu ku barbaarin dhaqankiisa, tariikhdiisa iyo waliba xadaaradaha ay soo mareen waa qof meel  gudcur(mugdi) ah oo aan wax laga arkeyn ku lugeynaya oo aan heysan toosh ama wax uu iftiimsado si uu wax u arko. Hadaba Dhalinta Soomaaliyeed laga soo bilaabo burburki dowladii Soomaaliyeed  waxa dhaba in aysan helin wax barbaarin ama maal gashi Ummadeed ah marka laga reebo tiro yar oo ayagu dadaalkooda iyo juhdigooda waxay Ummadooda ka baran karaan ka barta . Hadaba waxaa is weydiin mudan anagoo sidaa ah mustaqbal noocee ah ayaa sugeyna hadaannahay dhalinta maanta?. Si kasta oo ay noqotaba waxa hubaal ah in ay Ummada Soomaaliyeed maanta  iyo bariba ay sugeyso dhalinteeda. Sidaa darteed waxaa ina sugaya howlo adag oo u baahan aqoon iyo karti dheeraad ah, waxaa ina sugaya  dhamaan shaqadi uu lahaa iyo saxida waxii uu haleeyay jiilkii inaga horeeyay. Dhalinyarow waxaad lasocotaan oo aan daah idinka saarneyn in maanta shacabka Soomaaliyeed meel walba oo uu joogo idinka sugayo inaad u usoo gacangalisaan amaba u badbaadisaan diintiisa, dhulkiisa, dadkiisa, sharaftiisa iyo dowladnimadiisa. waxan shaki ku jirin in dhamaan waxyaabahaan aan sheegayba uu dhaawac weyni inaga gaaray oo si dhaba aanan gacan ugu heynin amase aanan go'aamada iyo waxa dhulkeena ka dhacaya aynu marti ka nahay. waanka xumahay in aan cinwaan nocaan ah ka hadlo ayadoo aan ognahay maanta aduunka intiisa badan iney ka hadlayaan sidii ay u soo saari lahaayeen dhalinyaro hanan karta mustaqbalka Ummadadooda ama wadankooda. Hadaba dhalinyarow maanta waxaa la joogaa maalin ay taariikhu qormeyso waxaan shaki ku jirin in maanta loo baahanyahay baraarug Ummadeed, 1943-kii oo laga joogo mudo 73 sano ah ayay bilaabeen dhalinyaro Soomaaliyeed baraarug Ummadeed kaas oo ku soo idlaaday xoriyadii 1960 -kii aan qadanay lakiin maanta waxaa markale mugdi weyni inaga galay xoriyadi, dowladnimadii iyo madax banaanidii aan sida dhameystiran u qaadanay oo aan maanta ka joogno " nin bukow boqoli kuu talisay" oo dhexdeeni aan far isku taag ka bixi la"nahay. u jeedadeydu ma aha inan idin niyad jabiyo laakiin waxaan dareemayaa in la taagan yahay waqtigii hurdada laga kici lahaa lana raadi laha markale midnimo iyo qaranki Soomaaliyeed, qofkasta oo Soomaali ah gaar ahaan dhalinyarada waxaa ku waajiba iney kacaan awoodooda mideeyaan meelkasta oo ay dunida ka joogaan ayna ka gudbaan wax kasta oo tafaraaruq iyo qeybsanaan ah. Ogaada dhalinyarow hilbo wada dhashiyo hal qureynu nahay.

waxan ku soo gaba gabeynayaan  gabeygan waxaanse ka cudurdaaranayaa inaan garaneyn qofki iska lahaa gabeyga waxaana codsanaya haduu jiro qof garanaya inuu ila wadaago  mahadsanidiin.

Dhalin yarow dhaqaaqa


Ø  Dhalin yarow dhamantin dhagahiina fura oo dhaayihiina ragana dhulkeenii ku eegoo Dharaaraha siduu yahay ma mid lala dhacaayaa
Ø  Subixii dilaaciyo marka fiidku dheelmado dhibaatada ka taagani ma mid lala dhacaayaa .
Ø  Dhalinyarow dhulkenii dhaawac iyo dhibaa jira dhaqtarana ma joogaan dheymana iskaba daa.
Ø  Dhalaankii koraayiyo waalidkii ina dhalay dhibaatadey ku noolyihiin dhafooradey ku qorantahay.
Ø  Dhalinyarow dhamaanteen dhaayaha ma furanaa dhulshesheeye dhaxal maleh halkii aan u dhalaniyo dhaqankii ma eegnaa .
Ø  İmisey  dhibaatadu dhadhaab adag ka tuurtoo dinacna aan jaleeceyn.
Ø  İmisey dhibaatadu dhuuni ay heleen iyo nolol dhaqashaloo wacan  cilimigi uga dhaaratay.
Ø  Taa waxa u sii dheer dhuni qaate odayo dhowr shilin la siiyoo dhinacyada u cararoo sharaftoodii dhowreyn .
Ø  İntee hooyo dhagartiyo iiladu wax yeeshoo dharaartii la joogaba dhaayuhu ilmeyaan .
Ø  Kuwii ay ku dhimatee dhowrka sano xanbaaartee dheefta ay ka sugeysayna dhabtii waa inaga.
Ø  Dhalinyarow dhulkeenii inagaa u dhalanee hadeynaan ka dhiidhiyin dhankee baan u soconaa .
Ø  Dhalinyarow dhul waa qani dhalashaduna waa sharaf
Ø  Dhalinyarow dhamaanteen dhinac ma isu racnaa dalkii aan u dhalaniyo dheman cidii hooyo cadow maka dhicinaa.
Ø  Dhalinyarow aduunyadu waxa ay ku dhisantahay  waa wada dhigeenee sidee baan u dhacanahay miyeynan dhaqaaqeyn dhagarta aynan diideyn inagaa u dhalanee dhulkeenii u dhimaneyn.
Ø  Dhalinyarow dhan wada mara iska dhaafa qolo qolo dhamaantiin is dhowroo is ku dhaga gacmaha oo ma dhaafaan dhulkeenii inagaa u dhalanee marna marna yaynan ka jiifan.


                            Amaana Allah.  

          Axmed Maxmed Cali

               DHAMAAD
========================================================


Thursday, 3 March 2016

SİDEE İSBEDEL BULSHEED LOO SAMEEYAA!!?.



Dhibaatooyinka Bulshada ay la kulanto!!;

 Bulsho marka xumaanta,khaladaadka iyo jaahilnimadu ku badato waqti dheerna qaadato waxay u noqotaa caado oo sameynta waxa xun iyo akhlaaq xumiduba waxay noqdaan wax iska caadi ah oo hadii la sameeyo iyo hadii kalaba aaney waxba ku kala duwaneyn ilaa marka danbe ay dhaqan u noqoto bulshadaas. Waxaa halkaa ku luma wax waliba oo ay bulshadaasi lahayd oo wanaag,aqoon iyo kartiba ah. Waxaana halka ka dhasha bulsho xaqdaradiyo xumaantu dhaqan u tahay oo cuquushoodiyo qalbiyadoodaba ay dagto.  Xaqdarada iyo xumaantu waxay ka hor maraan oo ay booskoodii buuxiyaan qiyamkii iyo waxii ay bulshadaasi aaminsaneyd oo ay dhowran jirtay. Sidaa hadii ay ku sii socotana waxa ay kala garan wayaan waxa xun iyo waxa wanaagsan, qofka daacada ah iyo qofka xumaanta wada, dagaalo dhexdooda ka dhaca, dadka oo micno daro la isaga dilo iyo cadowgooda dibadda oo ka dhex faa'iideysta, hadii ay sidaa ku sii socdaana waxa u danbeyn doontaa caaqibo xumo.                İbn khaldun waxuu leeyahay "Qowm waxa halaaga gaarsiiya waa caadooyinkoooda xunxun".

                     Isbedelka ay bulsho sameyso!!;

Bulsho uu dhib gaaray  in dib loo dhiso oo ay noqoto bulsho awood leh waa wax runtii aan fududeyn waxse laga badali karo, waxaa bulshada wax looga badali karaa iyadoo waxii dhibka u keenay wax kale loogu badalo, wax la badalo waxaa ka horeeya in wax lagu badalo la helo, waa in loo keena bulshada wax ay ku badalan karaan waxa ay hada heystaan ee ayaga la wanaagsan laakiin dhibka u keenay taa hadii aan la sameyn isbedel lama sameyn karo, waana shaqada inta isbedelka wada. İsbedelku ma aha wax si fudud lagu gaaro oo waxuu u baahanyahay  in wax waliba loo huro(Naf, Maal, Juhdi iwm ), waxaa jiraya caqabado badan oo ka hor imaandoona inta isbedel doonka ah, waxaa jiri doona kuwa badan oo halaagooda u arki doona, kuwa danahooda gaarka ah uu ka hor imaanayo iwm.
Dunida marar badan ayaa isbedel la sameeyay kan ugu wanaagsan ee tusaale loo soo qaadan karo waa dhalashadii İslaamka. waa la socotaan waqtigii Nabi Maxamed (NNKH) uu waxyigii Alle u yimid ee loo yaqaano xiligii jaahiliyada iyo noloshii ka jirtay dhulkaas iyo dhibkii Nabigu ka maray gaarsiintii diinta ee reer maka iyo ugu danbeyn guushii uu ka gaaray, inta kuma soo koobi karo waxay ila tahay in la wada garanyo.

       Dhalinta Maanta iney isbedel sameeyaan raba maxaa la gudboon!!;

1.       Waxa ugu muhiimsan uguna horeeya waa, İney ayagu isbadalaan (adigu hadaadan is badalin marnaba wax ma badali kartid).
2.       iney dhibka jira si dhab ah u baaraan falanqeeyaana.
3.       dhibka waxa sababay iyo natiijooyinkiisaba iney si cilmiyeysan u baaraan .
4.       waxa dhibka u keenay bulshada waxii loogu badali laha, wadooyinkii iyo qaabkii loogu gudbin lahaa bulshada.
Wax yaaba dadka ka  caawiya iney is bedel sameeyaan waxaa ka mid ah akhlaaq'da wanaagsan, Cadaalada, dadka oo si mutadawacnimmo ah loogu shaqeeyo iyo ixtiraamka qiyamka ay bulshadaasi leedahay.
               
               Amaana Allah.   

          Axmed Maxmed Cali

               DHAMAAD
========================================================