Home

Saturday, 27 February 2016

BURBUR BULSHO!.

     Kadib burburkii qarankii Soomaaliyeed, Ummada SOOMAALİYEED  waxaa ku dhacay burbur  bulsho  kaas oo kala geeyay  bulsho-weyntii Soomaaliyeed ee İslaamnida, Soomaalinimada iyo qarannimada ku faani jirtay. Burbur kaa oo sabab u noqday in maanta qaarka ka mid ah dadka Soomaaliyeed aysan si dhab ah ugu faanin Soomaalinimadooda ama marka ay sheeganayaan iney SOOMAALİ yihiin ku sii kaba dhalashooyin kale sida (waxaan heysta dhasho wadan hebel laakin asalkeygu waa SOOMAALİ), waxaa muuqda in qofku si dhab ugu qanacsaneyn ama aysan ku filneyn inuu sheegto kuna faano inuu SOOMAALİ yahay ee uu u baahanyahay wax kale oo uu ku kabo. Waxaa kale oo maanta micna beelay wax badan oo ka mida dhaqankeena oo micnahii iyo qiimahii ay bulshada ku dhaxlahaayeen bulshada la hilmamay ama aan micnahoodii lahayn erayo badan oo dhaqankeena qiima ku lahaa qiima dhac ku yimid , waxaa waayaahaan danbe laga hadlaa qiimaha ay leedahay Midnimadu laakiin in badan oo dadka Soomaaliyeed ka mid ah micno ama qiimo uma laha oo qofku marka uu maqlo erayada, SOOMAALİNİMO, QARANNİMO,MİDNİMO iwm inuu u qaato wax khayaali ah oo dadku isku sheeg-sheegaan oo kali ah ee aysan micna u sameyneyn asaga.   

Hadii aad rabto inaad ogaato bulsho sida ay u fakarto, aragtida ay dunida ka leyihiin iyo wax yaabaha ku qaaaliga ah ee ay ilaashato waxaad baartaa warbaahintooda (medyahooda) iyo sida ay u isticmalaan waa meesha sida dhabta ah looga ogaado Ummadi sida ay tahay iyo sida ay noqondoontaba, hada inagu maanta halkee baan ka joognaa!! ...?.
 Dagaalada ka dhax dhaca dhaqamada dunida oo ay luqadu udub dhaxaad u tahay waxuu ka dhaca warbaahinta noocyadeeda kala duwan, waa halka dhaqanku kala kulmo saameynta ugu badan, waana meesha dhaqamadu ku kala guuleystaan.

Heidegger, waxuu leeyahay : “Kaamiradu, waa sida hub qofka daawanaya lagu qabtay oo kale.” Oraahdaan waxay ka dhigan tahay dunida maanta la joogo waxa ugu badan ee dadka haga saameyntana ku leh hab dhaqanka iyo fikir ahaanba in ay warbaahinta noocyadeeda kala duwan yihiin .   
waxaanse ka xumahay in aan maanta ka maqannahay saaxada warbaahinta dhabta ah ee qeybta weyn ka qaadan lahayd dib u soo nooleeynta midnimadii iyo dareenkii Ummadeed ee aan lahayn.

Sh.Mustafe X. İsmaciil, waxuu leeyahay "Bulsho hormarkeeda iyo dadnimadeedu waxuu ku xiranyahay midnimadeeda, İnta ay midowdo ayuu ku xiranyahay inta ay hore u kacdo, Dib u dhaceedu iyo burburkeedu waxuu ku xiranyahay inta ay muranto, İskhilaafto ee ay kala tagto".

waxaan ku qasbanahay si aan jiri taankeena u ilaalino in aan dhaqankeena iyo taariikhdeena dib ugu laabano oo dib u soo ceshano midnimadeenii, qarannimadeenii iyo sharafteenii Ummadeed ee aan dunida ku lahayn. 

waxaan ALLE ka rajeynayaa inuu inaga dhigo kuwii si dhab gacmaha isu qabsada oo markale dunida tusa SOOMAALİ oo hal ah , sharaf iyo cisina dunida kula nool.