Home

Saturday, 26 December 2015



Dareenka iyo Aragtideyda ku aadan barnaamijkii 
DhalinyaradaInintaIsbedelka ee  ay soo diyariyeeen ururka WaxaNahayHal .

Runitii waxay ahayd madal dareenka ka jiraa uu ahaa mid aad u qiima badan oo dareenka iyo waaqacaa oo kale inta la helaa ay yartahay, waxay ahayd madal ay dhamaan intii ka hadashay ay ka hadleen qalbigooda ayna la hadleen qalbiyada dhamaan dadka hortooda fadhiyay, waxaa madasha ka jiray dareen ka dhexeeyay dhamaan dadka madasha isugu yimid ,  waxay ahayd madal  tiriikhi ah,  inshaAllah waxan rajeynayaa iney noqon doonto madal qeyb weyn ka qaadata isbedelka ay dhalintu hormuudka ka tahay. Anigu waxaan dareemay in ay bilabatay dabeyshii isbedelka lana gaaray waqtigii dhidibada loo-taagi lahaa oo si dhab ah ay dhalintu ugu midoobi lahayd aragti dhameystiran oo aas-aas u ah isbedelka aynu dooneyno, waxaa la gaaray waqtigii la yagleeli lahaa aragti ay ku midoobi karaan dhalinta Soomaaliyeed ee maanta taas saldhig looga dhigo Diinteena iyo Hidaha iyo Dhaqanka Ummada Soomaaliyeed, waxaan dareemay inaan gaarnay waqtigii  midnimada, wada tashiga iyo dharaandhirinta wadadii lagu gaari lahaa isbedelka aan doneyno taas oo runti ah marxalad aad iyo aad muhiim u ah lana rabo in sida ugu wanaagsan looga faaideysto, Alle ha inaga dhigo ku wii sifiican uga faideysta fursadaa qaaaliga ah .  Amin.                                                         

 Runtii waxaa farxad iyo guul ah in aan heerka soo gaarno ayadoona ay wax badani inoo dhiman yihiin wali laakiin wax waliba oo la rabo in miro laga helo waa in laga taxadaraa aas-aaskiisa sida ugu wanaagsana dhidibata loogu-taagaa kadib guushu wey fududaan inshaAllah. Intaa kadib waxaa runtii bogaadin iyo mahadcelinba innaga mudan dhamaan masuuliyiinta iyo xubnaha ururka  WaxaNahayHal oo Alle ka sokow sabab u ahaa qabsoomida barnaamijkaa isuna keenay dadkii madashaa isugu yimid ayagoo horeyba loogu yaqaanay barnaamijyada noocaan oo kale ah Alle ha idinka abaal mariyo afcaashiina wanaagsan  . ugu danbeyn guushu waxay ku jirtaa  midnimo , wadajir ,walaltinimo iyo wada shaqeyn dhameystiran furayasha guusha waxaa ka mida midnimo iyo wada shaqeyn dhab ah , awoodu waxay ka dhalataa  midnimo iyo wada jir , waxaa ina soo gaaray neecawdii guusha , markasta iyo meelkasta midnimo iyo wada jir . AmaanaAllah.

Saturday, 19 December 2015

            Maanta iyo Dhalinyarada Soomaaliyed
Hordhac
Sida aynu wada ogsoonyahay dhalinyaradu waa laf dhabarta Umadd kasta waana kaydka dhabta ah ee ay haysato, haboonna in si fiican looga fa'iidaysto, Ummad walbana Mustaqbalkeedu waxuu ku xiranyahay dhalinyaradiisa, Ummadii garata qiimaha dhalinyaradu leedahay oo ku barbaarisa dhaqankeeda ,Tariikhdeeda soona saarta dhalinyaro garanaya waxa aya yihiin iyo halka ay u socdaan waxay gaarayaan guulo iyo hormarba, Waxayna noqoneysaa ummadasi mid mustaqbal wanaagsan leh.Laakiin Umaddii iska dayacda dhalinyaradeeda waxa ku dhaca baaba’a iyo dabar go’a. Dhalinyarada iyo dhalinyaradanimadaba waa wax runtii aad u qaali ah oo hadii muhiimadii ay lahayeen aan lasiinin laga shalayo.

İntaanan tan maanta u galin waxaan rabaa inan si kooban uga hadlo booska ay dhalinyarada Soomaaliyeed kaga  jiraan shacabka, ku dhawaad %70  Shacabka Soomaaliyeed waa dhalinyarado, waana laf dhabarta Ummadena, guulaha aan ku faano oo qiimaha inoogu fadhiya oo idil waxaa Alle ka sokow abaalkeeda iska leh dhalinyarada Soomaaliyeed ee wax kasta u huray  si ay markasta wadciga jira iyo wanaaga Ummada uga qeyb qaadan lahaayeen, tusaale waxaan u qaadan karnaa Aabeyaashii gobonimo doonka Soomaaliyeed ee S.Y.L. oo aan wada ognahay qiimaha ay inoogu fadhiyan iyo sidaan ugu faano Ummad ahaan waxay ku guuleysteen iney Soomaali xornimadeeda hanato, waxaan Alle uga baryayaa inuu dhamaantood u naxariisto, janadiisana ku irsaaqo Amin.  S.Y.L. waxaa lagu xusuusta oo aan kabaranayna qiimaha midnimada iyo wada jirku leeyahay waxaa kale oo aan kabaraneyna inaan qabiil iyo qaran is qaban qabyaaladna wax wanaag ahi ku jirin qofkasta oo ka shaqeynaya arimaha bulshadeena  uu ku dadaalo, midnimo, walaaltinimo iyo wada jirka kana fogaado qabyaalada kala qoqob iyo tafaraaruq .
Markan u imaado waxa aan rabo inaan ka hadlo oo ah Maanta iyo Dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaan ku sifeyn karaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee Maanta, dhalinyaro aan si dhaba u helin barbaarintii Ummadeed ee ay ku hanan lahaayeen kuna dhisan lahaayeen Mustaqbalkoda ayna ku sameysan lahaayeen wadooyinkii ay ku gaari lahaayeen Hankooda, himilooyinkooda iyo hiralkooda. Badanaa dadka uma kala saarna wax barashada iyo barbaarinta Ummadeed, wax barashudu mar waliba waa lagama maarmaan waliba qarnigaan aan joogno waxaa lagu sifeeya qarniga cilmiga sida darteed qarnigan iyo waxbarasho la’aan waa waxaan is qabanayn, laakiin qofka aysan Ummadiisu ku barbaarin dhaqankiisa, tariikhdiisa iyo waliba xadaaradaha ay soo mareen waa qof meel  gudcur(mugdi) ah oo aan wax laga arkeyn ku lugeynaya oo aan heysan toosh ama wax uu iftiimsado si uu wax u arko. Hadaba Dhalinta Soomaaliyeed laga soo bilaabo burburki dowladii Soomaaliyeed  waxa dhaba in aysan helin wax barbaarin ama maal gashi Ummadeed ah marka laga reebo tiro yar oo ayagu dadaalkooda iyo juhdigooda waxay Ummadooda ka baran karaan ka barta . Hadaba waxaa is weydiin mudan anagoo sidaa ah mustaqbal noocee ah ayaa sugeyna hadaannahay dhalinta maanta?. Si kasta oo ay noqotaba waxa hubaal ah in ay Ummada Soomaaliyeed maanta  iyo bariba ay sugeyso dhalinteeda. Sidaa darteed waxaa ina sugaya howlo adag oo u baahan aqoon iyo karti dheeraad ah, waxaa ina sugaya  dhamaan shaqadi uu lahaa iyo saxida waxii uu haleeyay jiilkii inaga horeeyay. Dhalinyarow waxaad lasocotaan oo aan daah idinka saarneyn in maanta shacabka Soomaaliyeed meel walba oo uu joogo idinka sugayo inaad u usoo gacangalisaan amaba u badbaadisaan diintiisa, dhulkiisa, dadkiisa, sharaftiisa iyo dowladnimadiisa. waxan shaki ku jirin in dhamaan waxyaabahaan aan sheegayba uu dhaawac weyni inaga gaaray oo si dhaba aanan gacan ugu heynin amase aanan go'aamada iyo waxa dhulkeena ka dhacaya aynu marti ka nahay. waanka xumahay in aan cinwaan nocaan ah ka hadlo ayadoo aan ognahay maanta aduunka intiisa badan iney ka hadlayaan sidii ay u soo saari lahaayeen dhalinyaro hanan karta mustaqbalka Ummadadooda ama wadankooda. Hadaba dhalinyarow maanta waxaa la joogaa maalin ay taariikhu qormeyso waxaan shaki ku jirin in maanta loo baahanyahay baraarug Ummadeed, 1943-kii oo laga joogo mudo 73 sano ah ayay bilaabeen dhalinyaro Soomaaliyeed baraarug Ummadeed kaas oo ku soo idlaaday xoriyadii 1960 -kii aan qadanay lakiin maanta waxaa markale mugdi weyni inaga galay xoriyadi, dowladnimadii iyo madax banaanidii aan sida dhameystiran u qaadanay oo aan maanta ka joogno " nin bukow boqoli kuu talisay" oo dhexdeeni aan far isku taag ka bixi la"nahay. u jeedadeydu ma aha inan idin niyad jabiyo laakiin waxaan dareemayaa in la taagan yahay waqtigii hurdada laga kici lahaa lana raadi laha markale midnimo iyo qaranki Soomaaliyeed, qofkasta oo Soomaali ah gaar ahaan dhalinyarada waxaa ku waajiba iney kacaan awoodooda mideeyaan meelkasta oo ay dunida ka joogaan ayna ka gudbaan wax kasta oo tafaraaruq iyo qeybsanaan ah. Ogaada dhalinyarow hilbo wada dhashiyo hal qureynu nahay.

waxan ku soo gaba gabeynayaan  gabeygan waxaanse ka cudurdaaranayaa inaan garaneyn qofki iska lahaa gabeyga waxaana codsanaya haduu jiro qof garanaya inuu ila wadaago  mahadsanidiin.
Dhalin yarow dhaqaaqa

v Dhalin yarow dhamantin dhagahiina fura oo dhaayihiina ragana dhulkeenii ku eegoo Dharaaraha siduu yahay ma mid lala dhacaayaa .
v Subixii dilaaciyo marka fiidku dheelmado dhibaatada ka taagani ma mid lala dhacaayaa .
v Dhalinyarow dhulkenii dhaawac iyo dhibaa jira dhaqtarana ma joogaan dheymana iskaba daa.
v Dhalaankii koraayiyo waalidkii ina dhalay dhibaatadey ku noolyihiin dhafooradey ku qorantahay.
v Dhalinyarow dhamaanteen dhaayaha ma furanaa dhulshesheeye dhaxal maleh halkii aan u dhalaniyo dhaqankii ma eegnaa .
v İmisey  dhibaatadu dhadhaab adag ka tuurtoo dinacna aan jaleeceyn.
v İmisey dhibaatadu dhuuni ay heleen iyo nolol dhaqashaloo wacan  cilimigi uga dhaaratay.
v Taa waxa u sii dheer dhuni qaate odayo dhowr shilin la siiyoo dhinacyada u cararoo sharaftoodii dhowreyn .
v İntee hooyo dhagartiyo iiladu wax yeeshoo dharaartii la joogaba dhaayuhu ilmeyaan .
v Kuwii ay ku dhimatee dhowrka sano xanbaaartee dheefta ay ka sugeysayna dhabtii waa inaga.
v Dhalinyarow dhulkeenii inagaa u dhalanee hadeynaan ka dhiidhiyin dhankee baan u soconaa .
v Dhalinyarow dhul waa qani dhalashaduna waa sharaf
v Dhalinyarow dhamaanteen dhinac ma isu racnaa dalkii aan u dhalaniyo dheman cidii hooyo cadow maka dhicinaa.
v Dhalinyarow aduunyadu waxa ay ku dhisantahay  waa wada dhigeenee sidee baan u dhacanahay miyeynan dhaqaaqeyn dhagarta aynan diideyn inagaa u dhalanee dhulkeenii u dhimaneyn.
v Dhalinyarow dhan wada mara iska dhaafa qolo qolo dhamaantiin is dhowroo is ku dhaga gacmaha oo ma dhaafaan dhulkeenii inagaa u dhalanee marna marna yaynan ka jiifan.