Home

Tuesday, 16 May 2017


Taariikhda Ururkii Dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL

May 15, 2017


Qabiil Qaran Ma Noqdo!

HORUDHAC
Maanta waxay ku aaddan tahay maalintii la aasaasay ururkii dhalliinayaradii gobannimodoonka ahaa ee SYL 15 Maajo 1943.  Marka hore waxaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan da’yarta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan dal iyo dibadba aan leenahay hambalyo waa maalinii, waa maalinteenii, waa maalintii aan ka dhiidhinay dulmigii iyo dhibkii gumeystuhu inagu hayey, waa maalin xusid iyo is xasuusin mudan, waxay muhiimad gaara u leedahay dhallinyarada Soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed iyo qarankoodaba. İntaas kadib waxaan qoraalkeenaan kooban ku dhowri doonaa dhowr qodob oo kala ah in aan bal marka hore wax ka ogaano aasaaskii iyo marxaladihii ay ku sugnaayeen dhallinyaradu, ujeedkoodii iyo waxay hibanayeen , wixii u qabsoomay iyo caqabadihii ay la kulmeen, waxaan kusoo gebo gebayn doonaa duruusta aan ka baran karno iyo bal in ay jirto kaalin innaga inooga bannaan halgankii ay bilaabeen saddex iyo toban dhallinyara ah nusqarni kahor.
Halganka  gobonimodoonka ummada Soomaaliyeed  wuxuu socday wakhti aad u dheer waxaana u kala qaybin karnaa saddex qaybood oo kala ah: Halgankii uu hor kacayay halyeygii Soomaaliyeed ee Axmed Gurey, Halgankii hubaysnaa ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan iyo Daraawiish oo ah halgankii ugu dheeraa qaarada Afrika ee lagula diriro isticmaarka halgankaas Daraawiisheed oo socday muddo 21 sannadood ah iyo halgankii Dhallinyaradii Soomaaliyeed ee SYL. Waxay shucuurtii gobannimodoonku hadba geed hadhsataba, isticmaarna wadajir dab ula dabajoogto, waxaa dhacday inuu dhismay 15-kii Maajo 1943-kii urur dhallinyaro oo la baxay S.Y.C [Somali Youth Club]. Markii dambena isu rogay S.Y.L [Somali Youth League]. Marxaladaan waxay ku soo aadday wakhti uu dunida ka socday dagaalkii 2aad ee adduunka iyo kacdoonkii  gobonimodoonka ee waddamadii la gumeysanayay gaar ahaan dadyowgii Qaaradda Afrika.
Waqtigaas waxaa dhulka ummada Soomaaliyeed gacanta uu ugu jiray gumeysihii Ingiriska iyo Taliyaani marka laga reebo Jabuuti oo Faransiisku ka arriminayey.  SYL waxay si xooggan dib uga shiday shumacii gobonimodoonka ahaa guud ahaan dhulka ummada Soomaaliyeed gaar ahaan intii Ingiriisku iyo Taliyaanigu gumeysanayay.  SYL waxay ahaayeen dhallinyaro la socda waxa ka dhacaya dunida gaar ahaan kacdoonada xoriyaddoonka ahaa ee Qaaradda Afrika ka socday. Waxay dareensanaayeen mas’uuliyadda ka saaran in ummada Soomaaliyeed ay yeelato qaran xor ah oo ay ku mideysan yihiin dhammaan ummada Soomaaliyeed.  SYL waxa ay ahayd aragti ku dhisan İslaamnimo, Soomaalinimo, Soomaaliweyn,  Xornimo, Midnimo ummaddeed,  sinnaan, qaddiyad qaran iyo mid xornimodoon, waddaninimo iyo gumeysi nacayb.
AASAASKII URURKA DHALLINYARADA SOOMAALIYEED [SYL).
Naadiga Dhalinyarada Soomaaliyeed (S.Y.C.) waxaa aasaasay 13 dhalinyaro tariikhdu markii ay ahayd 15, Maajo-1943 -dii. Saddex iyo tabobkaas dhallinyarada ah oo da’doodu u dhexaysay 16 illaa 30 waxay ka dhiidhiyeen dacdarradadii iyo dhibkii uu gumeysigu ku hayey ummadda Soomaaliyeed dhibka aan ka hadlaynaa waa addoonsi iyo xornimo la’aan nooc kasta oo ay tahay iyo tacliin iyo garaadkoodu kora oo aan loo oggolayn. Dhaqdhaqaaqa siyaasadeed waxaa uu bilowday markuu Ingiriis qabsaday Koonfurta Soomaaliya. İngiriisku marki hore ma oggolayn urur magaca xisbi leh. Sidaas darteed ururrada waxaa lagu furay magaca Naadi (Club). Maxaa yeelay weli wakhtigaas Ingiriisku wuxuu cabsi ka qabay in axsaab haddii ay soo baxaan in ay furi karaan albaab dhaqdhaqaaq siyaasaseed iyo xoriyaddoon. Hase yeeshee, wuxuu fasaxay in la furto ururo dhallinyaro  oo magaca Naadi leh, oo haddii la rabo la dhihi karay la idiinma oggola inaad gashaan siyaasadda.
Ururkii ugu horreeyay ee Xamar laga furo wuxuu ahaa Naadiga Dhallinyarada Xamar (Hamar Youth Club- HYC) oo la aas-aasay bishii April 15, 1943dii oo xaruntiisu ahayd Xamar Wayne. Hal bil ka bacdi bishii May 15, 1943 waxaa la furay Naadiga Dhallinyarada Soomaaliyeed [Somali Youth Club] oo markii dambe noqday Xisbiga Dhallinyarada Soomaaliyeed (Somali Youth League- SYL). Duruufaha oo adkaa darteed iyo gobonimo iyo siyaasadda oo aan laga hadli karin ayaa sababay in ay qaab naadi ah ku howl galaan sanadihii ugu horeeyay.  SYL waxay ku shaqo bilowday qaab qarsoodi ah oo dhalinyarada si hoose loogu abuurayay Soomaalinimo da iyo gumeysi nacayb ka lana dareensiinayay qiimaha xoriyadda iyo qaranimo-da ilaa laga soo gaaro sanadkii 1947-kii oo ay magaca Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed SYL la baxeen aragtidooda siyaasadeed ee gobonimo-doonka Ummadda Soomaaliyeedna ay  banaanka soo dhigeen. SYL Waxay dalka gees ka gees ku fidisay xarumo ay ku hawlgalaan dhallinyaradu oo ay ka furteen illaa Siyallow oo ku taala Waqooyi Bari ama N.F.D, Jigjiga oo ku taala Soomaali Galbeed, ilaa Hargeysa iyo Muqdisho inta ka dhex leh. Sanadihii ugu horeeyay halgankii ay SYL hogaamineysay waxay xooga saareen sidey bulshoweynta Soomaaliyeed uga dhaadhicilahaayeen qadiyadaha ay aamminsanaayeen ilaa ay dhammaan ummadu qaateen aragtidii SYL ayna mustaqbalkooda ummadeed ka dhex arkeen himilooyinkii iyo ahdaaftii SYL.
            AASAASAYAASHII IYO  AABBAYAASHI GABANIMADA
            1. Yaasiin Xaaji Cismaan                               8.  Xaaji Maxamad Xuseen
            2. Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawadiin           9. Khaliif Hundow Macallim
            3. Maxamad Cusmaan Baarbe.                       10. Cismaan Geedi Raage
            4. Maxamad Faarax Hilowle                          11. Dheere Xaaji Dheere
            5. Saciid Xirsi Nuur                                        12. Maxamad Cabdulle Xayeesi
            6. Maxamad Cali Nuur                                   13. Cali Xuseen Cali
            7. Daahir Xaaji Cusmaan

HIMILOOYINKII IYO AHDAAFTII DHALLINYARADA
       In shanta Soomaaliyeed la mideeyo, hal qaranna ay dhistaan (Soomaaliweyn).
      In lala dagaalamo caadooyinka iyo dhaqamada foosha xun ooy ka mid yihiin qabyaaladda, quursiga, takoorka iwm.
      In loo halgamo xuquuqda, lana xaqiijiyo gobanimada iyo madaxbanaanida ummadda Soomaaliyeed.
      In xooga la saaro tacliinta, siiba in lagu dadaalo waxbarashada dhallinyarada, iyadoo la aaminsanaa inaan horumar iyo madaxbanaani la gaari Karin waxbarasho la'aanteed.
      In Af-Soomaaliga la qoro oo weliba la qaato farta Cismaaniyada iyadoo fartaas loo arkayey inay tahay mid waddani ah.
      In shacabka lagu baraarujiyo halganka gobanimadoonka iyo madaxbanaanida.
      In meel ay  iska dhigaan dariiqooyinka diiniga ah ee lagu kala duwan yahay.
      In udub dheexaadka himilooyinkooda uu noqdo qaranimo iyo gobonimmo ay ummadda Soomaaliyeed  hesho.
Himilooyinkii SYL waxay noqdeen himilooyin ummadeed qaarkood ummadda Soomaaliyeed way ka dhabaysay qaar kalena weli waa u dhiiman yihiin. Wax yaabo badan oo ay SYL dhaxalsiisay ummadda Soomaaliyeed waxaa ka mid ahaa;
Waxaa abuurmay dareen waddanimo iyo Soomaalinimo kaasi oo abuuray halgan ummaddeed oo aan gobol ku koobnayn balse waddanka oo dhan si wada jira uga hirgala. Waxay halgan dheer u galeen siday Soomaali xornimo-deeda ku helilayd taas oo ay naf iyo maalba u hureen. Waxa xafiisyadooda iyo dhammaan xarumahooda ku tababareen dhallinyaro badan oo ka shaqaysa faafisana himilooyinka ururka. Waxaa jiri jiray koox lagu magacaabo Horseed oo faafin jiray aragtida ururka. Waxay bulshoweynta Soomaaliyeed ka dhaadhiciyeen fikradii gobonimodoonka ahayd. Bulshada Soomaaliyeed oo dhiiraanaan iyo dareen durugsan leh waxay SYL la garab istaagtay taageero nooc waliba leh haba ugu horeeyaan haweenka Soomaaliyeed oo gacan weyn oo maaliyedeed iyo mid kaleba isugu daray. Waxay ilaa heer guul ka gaareen la dagaalanka qabyalada iyo caadooyinka xun ee la midka ah waxayna ku beddeleen walaaltinimo, Soomaalinimo iyo qaddiyad Soomaalimo. Waxay ku guulaysteen xoriyadda labo qayb (gobolada Waqooyi iyo kuwa Koofureed) oo ka mid ah shantii qaybood ee gumeystayaashu dadka Soomaaliyeed u qaybiyeen. Waxay bulshada Soomaaliyeed ku mideeyeen halganka xoriyaddoonka iyo Soomaalinimada. Waxay abuureen hal-ku dhigyo; "Axyaa wadani","Soomaaliyey toosoo","Qabiil Qaran ma noqdo" iyo kuwa kale oo badan oo Ummadda hurdada ka kiciyay korna u qaada hamiga iyo hiraalka dadka Soomaaliyeed.
Wax yaabahii aan suurta galin ee ka mid ahaa himilooyinkii SYL noqdayna qadiyadda qaran waxa ka mid ahaa ; Fikradii Soomaaliweyn oo aan illaa hadda aan gun gaadhin iyo qoritaankii farta Af-Soomaaliga oo dib laga qoray. Ummadda Soomaaliyeed, in kasta oo ay xaalado adag ay jiraan oo dhabar jab ku ah himilooyinkii halgamayaashii Soomaaliyeed oo ahaa Soomaaliwayn [Ban-Somalism], haddana riyadii ahayd in maalin uun ay indhahooda ku arkaan Soomaaliweyn oo mideydsan waxay ku kaydiyeen maskaxda meel aysan marba xasuusta ka lumi doonin.
 MA HADHOOYIN IYO DHACDOOYIN MUHIIM AH.
A.    Doorkii garabka haweenka [sisters] iyo dhacdadii HANOOLAATO [1948].
Hanoolaato (Long live Somalia) waxay dhacday 11-kii bishii Janaayo 1948-dii, Xaruntii Naadiga waxaa joogay dad ilaalo ah, oo waxaa jiray shaki ku saabsan in Gumeystaha ay daqiiqad kasta soo weerari karaan. waa dhacdo xusuus ku leh Soomaalida, qaybna ka ah dagaalada lala galay gumeysiga. Talyaaniga iyo daba-dhilif Soomaali ahaa ayaa soo weeraray Xarunta Naadiga oo ku taalay agagaarka halka hadda ay ku taalo Taallada. Gumeystaha Talyaaniga, waxba looma reeban, Soomaalidii waa isku habar wacatay, Talyaanigii iyo kooxihii daba dhilifka ahaa ee uu soo kireystay waxaa lagu hareereeyay Bilaajo Carab, waxaana halkaas lagu dilay 54 Talyaani ah iyo dhaawaca oo lagu sheegay ilaa 55. Goobtaasi waxaa lagu dilay Soomaali badan oo ay ka mid ahayd Xaawo Cusmaan [Xaawo Taako]. Halgankii gabanimodoonka waxaan marnaba la iloobi karin doorkii haweenka  Soomaaliyeed oo xiligaasi la oran jiray Sisters kaalintii lixaadka lahayd ee ay kasoo qaateen halgankii xornimada, kuwaa waxay naf iyo maalba u hureen sidii loo gaari lahaa xornimo,  waxaa kamid ahaa  Xaawo Taako oo oo lagu dilay albaabka Leegada hortiisa iyo Timiro Cukaashe oo ay ku dhashay xabsiga gumeysiga dhexdiisa iyo kuwa kale oo aan xasuus ku soo koobi karin dahabkooda u gadayey sidii uusan geedigu u dhicisoobin.
B.     Dhacdadii Dhagaxtuur (October 5, 1949)
Bishii Septeember 1949kii ayaa waxaa furmay kalfadhigii golaha guud ee Qaramada Midoobay. kalfadhigaas ayaa laga sugayey inuu go’aan ka gaaro aayatiinka dalalkii Talyaanigu gumeeysan jiray oo ay Soomaaliya ka mid ahayd. Leegadu waxay magaalada New York u dirtay Cabdilahi Ciise Maxamud oo ahaa Xoghayaha guud ee SYL si uu u cabbiro mawqifka Leegada. Cabdullahi Ciise Maxamuud isagoo ku sugan Magaalada New York waxaa uu SYL usoo diray qoraalkii ama racfaankii caanka ahaa ee la magac baxay Appello ai Somali (Somali Appeal)  oo uu ugu sheegayey guud ahaan shanta Soomaali, SYL iyo caalamka intaasa kale qatarta uu leeyahay qorshaha Soomaaliya loogu dhiibayo Taliyaani (Sforza Bevin Plan), arrintaas oo misana Qaramada Midoobey ku kala jabtay. Marka farriintii Cabdullahi Ciise waxay gilgisay dareenka iyo quluubta ummadda Soomaaliyeed. October 5, 1949kii ayeey Leegadu mudaaharaad ka dhan ah Talyaaniga ka sameeysey goobta loo yaqaan Dhagaxtuur.
Dagaalkan Dhagaxtuur, waxay dhexmartay Ururkii xornimadoonka ahaa ee SYL iyo Ingiriiska oo wakhtigaasi dalka oo idil haystay. dowladda Ingiriiska waxaa ay is bidday xoog, waxaay bandow kusoo rogtay dadka, dagaal is burbursi ah kadib oo Soomaalidii dhagax ay ku dagaalamayeen waxaa halkaas ku dhintay laba qof, waxaana ku dhaawacmay 50. Tiro 4-5 booliska Ingiriiska ah ayaa dhacdadaasu galaafatay. Dhacdadaas taariikhiga ah kadib, November 21, 1949kii ayeey  Golaha Guud ee Qaramada Midoobay soo saareen go’aankiisii lagu caddeeyey in Soomaaliya loo dhiibo maamul Talyaani ah oo 10 sano ah, Qaramada Midoobayna ku ilaaliyaan.
 DHALASHADII XORIYADDA IYO ISRAACII LABADA GOBOL [1960].
 Bishii June 26, 1960kii, waxaa madax bannaani la siiyey gobollada Waqooyi oo ka mid ahaa dhulkii Soomaalida ee ay haysatay dowladda Ingiriiska oo halkaas joogtay laga soo bilaabo sanadkii 1884tii. Kowdii Bishii July waxaa xornimo qaatay gobollada Koonfurta oo ku hoos jiray, markii isticmaarka Taliyanaiga, laga soo bilaabo 1889kii ilaa dagaalkii labaad ee adduubka oo Itaalya guuldaraystay kaddibna laga saaray Koonfurta Soomaaliya, halkaasi oo uu Ingiriis gacanta ku hayey laga soo bilaabo 1941dii ilaa 1950kii oo uu ku wareejiyey Wasaayadda Qaramada Midoobay oo Itaalya madax looga dhigay. İsla kowda Luulyo, 1960kii waxaa israacay labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfurta, waxaanna markaas dhalatay Jamhuuriyadda Soomaaliya. Markii ay xoroobeen labo qaybood oo ka mid ah shantii qaybood ee Soomaaliya uu u qaybiyey gumaystuhu ayna israaceen labadii gobol ee Waqooyi iyo Koonfur waxay Soomaalidii wagaas marnaba aan quluubtooda ka bixin saddex da qaybood ee kale oo weli gacanta ugu jiray isticmaarka. Hees dareenkii ummadda Soomaaliyeed ee wakhtigaasi ka turjumaysa ayaa waxay ahayd ‘’Waa seermaweydoo iyo saban barwaaqee, saddexdii maqnaanaa way soo socdaane’’.


CAQABADIHII IYO WAXYAABIHII WIIQAY AWOODIHII SYL.
Halyeeyadii Soomaaliyeed ee SYL waxay qabteen howl qaran oo gumeystihii xilligaas dalka joogay ka yaabiyey, marka laga eego dhanka gaarsiinta mabaadii’da ku dhisan Soomaalinimada, midnimada iyo guud ahaan faafinta dareenka waddaniyadda  ee guud ahaan dacallada geyiga Soomaaliyeed (Barnes, 2007). SYL waxay ku guuleysteen in ay abuuraan guux waddaniyadeed oo xilligaas aad loogu baahnaa, iyadoo uu halganka lagu la jiray gumeystuhu ahaa mid uu agaasinkiisu hooseeyey oo qolo iyo qabiil walbaa uu geeskiisa u dagaallamayey, aragti aan in xoolaha iyo naftaba gumesytaha laga ceshto aan dhaafsaneynna ma aysayn jirin. Hase yeeshee, xawaarihii uu mabda’a ku bilowday iyo jiritaan la’aanta siyaasad caga adag ku taagan oo lagu jihaysa howlaha halganka ayaa sababtay in xarumihii kala duwanaa ee SYL ee ku kala yiilay magaalooyinka dalka iyo raggii madaxda ka ahaaba ay midba dhinac u jiiteen. Waxaa intaa sii dheer, in dalka ay gacanta ku kala hayeen gumeysteyaal badan sida; Ingriiska, Talyaaniga, Faransiiska iyo Xabashida oo dhammaantoodna doonayey in ay galgal iyo saameyn muuqata ku yeeshaan Soomaaliyada mustaqbalka. Waxaana lagama maarmaan ahaa in ay jirto siyaasad ku aaddan la tacaamulka isticmaarka qaybihiisa kala duwan. Waxaa dhacday in xubno ka tirsanaa SYL oo dhallinyaro xamaasadaysan u badnaa ay ku dhaqaaqaan falal dhaliyey qalalaaso iyo daganaan la’aan siyaasadeed, taas oo ka soo hor jeeday hab shaqada naadiga, oo ku dhisnaa in qalin iyo qunyar socodnimo lagu dagaallamo. Falalkaas qaarkood waxay soo dadajiyeen in qaar ka mid ah qaybihii isticmaarka in ay u heshiiyaan seedo iyo feyl-goynta iyo maja xaabinta howlihii dhallinyarada. Waxaa intaa sii dheer jiritaanka kooxo sokeeye oo muuqa inooga eeg magacana inala sheeganaya kuwaasi oo u fududeyn jiray isticmaarka sidii ay u damin lahaayeen shumaca midnimada ee ay naadigu shideen kaas oo malaayiin Soomaaliyeed ku baraarujey in ay leeyihiin, dal, dhul dihan, iyo qab Soomaalinimo oo u baahan in loo istaago loona huro, naf iyo maal. "Taariikhda dib u eega waa laga dab qaataaye'' C/Qaadir Shube
Waxaa xusid mudan qarniyadaas aan ka hadlayno sida ay u jireen waddaniyiin dalkooda iyo dadkooda jecel in ay u jiraan maantana sida si lamida waxaa garab socda hagardaamooyin iyo kuwo u adeegaya cadowga, maantana si lamida whakhtiga ayuunbaa isbeddelay labad caynba waa ay  jiraan  waana jiri doonaan mar inta aan jirno kuwo waddaniyiina oo daacad ah danta dalka iyo dadka u adeegaya iyo kuwo cadowga u adeega oo khaayinul-waddana.
KAALINTA DHALLINYARADA MAANTA.
Xilligii isticmaarka, dhallinyaradii noolayd waxay ahaayeen kuwo ku nool marxalado aad iyo aad u adag oo siyaabo badan uga duwan kuwa maanta. Dhallinyaradii waagaasi waxay ahaayeen kuwo ku dhashay oo ku koray iyadoo dhulka Soomaalida uu nacab shisheeye ka talinayo. Dadka dhiigooda si micno darro ah loo daadinayo, maalkoodana la dhaco. Xoriyad iyo tacliin iska illow iyada. Arrinkaasi oo ku abuuray dhallinyaradii waagaasi waddaniyad iyo dal iyo dad jacayl. Dareenkaasi waddaniyadeed wuxuu dhaliyey inay u midoobaan cadowgooda ayna genefka ku dhuftaan gaashaanka u daruuriyaan oo guluf iyo dirir lagu saarayo nacabka kala horyimaadeen quwado waa wayn oo hadh iyo howba u diiday. Waxay jiif iyo joogba uga tageen oo naf iyo maalba u hureen in aan innagu helno xornimo.
Kaalinta maanta innaga inooga bannaan halgan ay bilaabeen dhallinyaro Soomaaliyeed muddoo hadda laga joogo 74 sano oo aan maanta tiro, tamar, aqoon iyo dakhliba (income) ka badan nahay runtii waa mid mugwayn. Sida aan kor ku soo xusay saddexdii qaybood ee gacanta gumaystaha ku hadhay marka laga reebo Soomaalidii uu Faransiisku gumaysan jiray (France Somaliland ama Djabuti)  oo bishii June sanadkii 1977dii, gobannimada qaatay. Labadii qaybood ee kale ee Waqooyi Bari (N.F.D)  iyo Soomaali Galbeed waxay weli ku jiraan gacantii cadowga, waxayna sugayaan waa dhallinyarada Soomaaliyeed. Arrinkaas waxaan ku cabbiri karaa hees ay ku luqayso Xalimo Khaliif Magool Eebbe ha u naxariisteen oo ahayd ‘’Nin lagu seexdoow ha seexan’’. Dhallinyarada Soomaaliyeed hurdo uma eeka maanta waxay buuxin karaan booska uga aaddan halgankaas dhallinyaradii assaagood ahayd ay bilaabeen kolkay gees iska dhigaan qabyaaladda iyo qoloqolada ayna usoo jeestaan qaranimo.
https://drive.google.com/file/d/0B01PHoelZ9edR0hhMTktNlBiQmc/view?usp=sharing


                                                
                                                    ©WaxaNahayHal
 --Dhamaad--lowerside.png

Thursday, 23 June 2016

Barnaamijka BuugSoor


Magaca Buuga: Xanaaqa (Carooda);


Qaybaha aan hoos uga hadli doono:

·         Buuga ku saabsan .
·         Qoraaga buuga.
·         Xanaaqa (ka carooda).
·         Kacdoon (Dhaq-dhaqaaq).
·         Kawar heyn la'aantu, waa dhaqan ugu xun ee bulsho yeelato.
·         Wado arga-gax iyo rabshado la'aan ah.
·         Gaba-gabo.

1.      Buuga ku saabsan;

·         Buugu waa dardaaran uu qoraagu dhalinyarada kula dardaarmayo ilaalinta xuquuqda iyo sharafta  aadanaha gaar ahaan bulshadooda.
·         Luqada asalka ah ee uu ku qoranyahya waa fransiz.
·         waxaa lagu turjumay in badan 25 luqadood.
·         3'dii bilood ee ugu horeysay  waxaa la daabacay wax ka badan 2 milyan oo xabo.
Saameynta Buuga : dhowr bilood kadib  daabacaadi buuga sameyntiisa waxaa laga dareemay daafaha dunida,  wax yaabaha uu sababay  ama sababahooda qeybta ka ahaa waxaa ka mida  ;
·         Arap baharı(Arap spring); waxuu ahaa kacdoon bulsho oo ka dhashay duruufihii muumul iyo dhaqan-dhaqaale ay ku noolaayeen ee sii xumaanayay.
·         Banaan baxyo badan oo dunida meela kala duwan dhacay gaar ahaan yurub iyo mareykan sida banaan baxii weynaa ee Occupy wall street(wall street'i işgal et) iyo kwa kaleba.
·         waxuu sidoo kale saameyn ku yeeshay ururada bulshada rayidka ah sida Amnesty international oo urur bulsho ka shaqeeya difacida xuquuqda aadnaha iyo sari u qaadiddeeda oo sameyay banaan baxyo iyo kacdoona kale.

2.      Qoraaga buuga:

Magaciisa :  Stephane Hessel
  dhalasho:   1917-kii, barlin, Jarmal-ka
dhimasho:   2013-kii, paris, fransiis-ka

Stephane Hessel  waxuu ahaa; pilot,diplomasi, Dhex-dhexadiye, la-taliye, barre, Qoraa iyo mufeker. Mar waliba waxuu garab istaagay oo af kooda ku hadlay dadka la dulmiyo iyo inta aan xuquuqdooda dhacsan karin . Waxuu ka soo qeyb qaatay kacdoono iyo dhaq-dhaqaayo badan sida kacdoonkii bulshada fransiz ku uga soo horjedeen aragtida fashizm-ka (faşizm), waxaa kale oo uu ka mid ahaa komishankii ay Qaramada midoobay u xilsaartay diyarintii ''Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuq'da Aadanaha'',  waxuu ka soo mid noqday diplomasiyiinta Fransizka ee New York, waxuu ka qeyb qaatay kacdoono lagu taageerayay xoriyada wadanka Algeria oo uu Fransiz-ku gumeystay, Sidoo kale waxuu sameeyay barnaamijyo badan oo bulshada lagu dareensiinayo dhibaatada ay İsrail ku heyso bulshada reer falastin.
Mara la weydiiyay ujeeda uu u qoray buuga waxa uu ku jawaabay: Ujeedadeydu waxay ahayd  in aan dareensiiyo dhalinyarada in ay dowrka weyn ku leeyihiin ka shqeynta hormarka dadka iyo dalkooda iyo ilaalinta sharafta iyo xuquuqda aadanaha.

3.     Xanaaqa (ka carooda):  

Waxuu qoraagu ku bilaabayaa buugiisa dhaq-dhaqaaqyo badan oo uu  ka  qeyb qaatay ugana soo horjedeen dhibaatoyin heystay bulshadooda  guulna ay ka gaareen.  waxuu u sheegaya dhalinyada in ay jiraan wax badan oo maanta aan micnahooda la dareensanayn in ay dadaal dheer iyo dhib kadib la helay ayaga laga rabo iney ilaaliyaan.
Waddan iyo dad xor ah oo aayahooda ka tashta in la helo waxaa loosoo maray halgan dheer  wax si fudud lagu helayna ma aha. Qoraagu waxuu ku leeyahay dhalinta "eega oo daraaseeya waxa ka dhacaya aga-gaarkiina waayimeysan wax idinka xanaajiya oo idin dhaqaajiya hadaad damiir aad ku dhaqaaqdaan leedihiine".

Magaca buuga iyo cinwaankiisa kowaadba waa hal kalimo(indignez-vous) oo dowr af oo Af-Fransiz ku ka mid yahay kaliya laga helo, Micna ahaan noqoneysa qofku inu ka caroodo haduu arko ama la kulmo xad-gudub ama dulmi bulshada ama shaksiyaad loo geysanayo, caradaasi waxay sababeysa in qofkaasi uu ka fakaro siduu uga jaawaab celin lahaa dulmiga oo uu bulshada uga saari lahaa, sidaa darteed qoraagu waxuu dhalinyarada kula dardaarmayaa iney ka war hayaan oo daraaseeyaan qaab nololeedka bulshooda iyo duruufaha ay ku nooshahay, Waxuu leeyahay dhalinyarow la socda duruufaha bulshadiinu ku nooshahay oo marnaba indhaha ha ka laabanina duruufaha adag ee ay bulshadu ku jirto, xalkeeda iyo la tacaalideedu adinka ayay mas'uuliyadiina tahay.
Carada uu qoraagu ka hadlayo ma ahan mid ku saleysan rabshado iyo arga-gax abuurid, ujeedaduna marnaba maha in qal-qal iyo mar xalado deganaasho la'aan  la abuuro, wax kasta oo xal ama natiijo wanaagsan laga rabo waa in wado nabadeed loo maraa iyo qal-qal la'aan lagu raadiyaa.

4.     Kacdoon (İs-bedel doon):

Kacdoon ku waxuu ka dhashaa carada, kacdoonka micnahiisa waxaa ka mida in ay bulshooyinku is cusbooneysiiyan. Aadanuhu isaga ayaa noloshiisa wax ka badala, bulsho walibana iyadaa noloshooda badala taariikh doodana qora, dadku marki ay ku qanci waayaan duruufaha  dhaqan-dhaqaale iyo maamul ee ay ku nool yihiin waxaa dhasha dhaq-dhaqaaqyo isbedel doon ah iyo kacdoon  bulsho oo ay bulshadu ku diidantahay duruufaha nololeed ee ay ku jirto kuna dalbanayaan mid ka duwan mar xalada nololeed ee ay ku jiraan.Qoraagu waxuu lee yahay dhalinyaradu waa enerjiga uu shacab leeyahay, waa qeybta ugu dhaq-dhaqaaqa badan bulshada sidaa darteed ma ahan dhalinyaradu iney indhaha iyo gacmaha  xirtaan oo ay  iska fadhiistaan, Jiritaanka dad iyo dowlad xoog lahi waxay ku xirantahaya dhalinyaradeeda. Muwaadin kasta waxaa mas'uuliyad ka saaran tahay noloshiisa iyo wadankkisa, isaga ayaa laga rabaa siduu nolol iyo wadan uu ku faano u yeelan lahaa.

5.     Kawar heyn la'aantu, waa dhaqan ugu xun ee bulsho yeelato:

Qoraagu waxuu leeyahay dhaqanka ugu xun ee ay bulsho yeelato waa iyadoon iska war heyn, is daneyn, qof waliba uu yirahdo majiraan wax sameyn karo, waxaan wax aan wax ka badali karo ma lahan ee shaqadeyda ayaan ka qabsanayaa. Markii aad sidaa u dhaqanto waxaad dhumineysaa mid ka mida qiyyamka asaasiga ah ee bulshada isku haya . Daneyn la'aanta arimaha bulshadu waxay meesha ka saareysaa midnimadii guud iyo ka wada dhisidii mustaqbal ummadeed ee saarnaa dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada qof waliba waxuu gabayaa waajibaadkii saarnaa waxaaana sidaa ku lumaya awoodii, wadajirkii iyo sharaftii ay bulshadaasi lahayd.



6.     Wado arga-gax iyo rabshado la'aan ah:

Arga-gaxu waa iyadoo qal-qal iyo qalalaase la abuuro oo bulshada qeybna la dilo inta kalena ay qal-qal iyo cabsi ku noolaadaan .
Arga-gax u waa wadada dadka xumaanta ka shaqeeya ay raacaan.
Arga-gaxu waa waxa maanta ay dunida ku hayaan waxaa loo yaqaano Argagixisada.
Kacdoon kasta  oo la sameynayo waa inuu ka fogaadaa wax kasta oo qal-qal iyo arga-gax dhalin kara .
Ujeedadu waa in ay noqotaa ka shaqeynta waanaaga in bulshada.

7.      Gaba-gabo:

Qoraagu  waxuu dhalinyarada  kula dardaarmaya:

·         in ay noqdaan shaksiyaad il-baxnimo iyo aragti dheer leh.
·         in ay bulshada inteeda tabarta yar ee la dulmiyo codkooda noqdaan  oo ay mar waliba  xaqa taageeraan, ag istaagaanna.
·         in ay dhowraan xuquuqda asaasiga ah ee shakhsi waliba xaqa u leeyahay si simmana looga faaideysto.
·         in aysan marnaba ka aamusin waxkasta oo xuquuqda bani'aadamka ku xadgudbaya, siiba haduu dulmi jiro.
·         iney ka shaqeeyaan hormarka bulshadooda, horseedna u noqdaan hor marka wadanka.
·         dhalinyaradu waa in aysan ka raali noqon xad-gudub yada ka dhex jira bulshada , xad-gudub kasta waa in dhinac looga soo jeestaa.
·         in aysan  qofna uga danbeyn ilaalinta xuquuqa da shacabookda iyo dowladooda.
·         in ay ka shaqeeyan sidii ay ku dhisi lahaayeen bulsho iyo dowlad ay ku faani karaan .
·         iney mar waliba ku dadaalan ka mira dhalinta riyooyinkooda.


Saturday, 14 May 2016

S.Y.L. iyo Wadadii xoriyadda;



Waxaan dhamaan Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida ka joogaan ugu hanbalyeynayaa sanad guuradii 73'aad ee aas-aaskii ururki gobonimo doonka Soomaaliyeed ee SYL.

     SYL waxa ay ahayd aragti ku fadhisa İslaamnimo, Soomaalinimo, Soomaaliweyn,  Xornimo, Midnimo Ummaddeed,  Sinaan, qaddiyad qaran iyo mid Ummaddeed.
   SYL waxay ahayd qaddiyad ku dhisan xoriyad doon, wadaninimo iyo gumeysi naceyb.

   Halku dhigyadii SYL waxaa ka mid ahaa ;

 "  Hadba waxaan laa ooyaayoo ilmadu iiga qubaneysaa Iqtiyaar nin loo diidoo La addoon sadaan ahayee".
 " Soomaaliyeey toosoo toosoo isku tiirsada ee hadba kiina taag daran taageera waligiin".


Maanta waxay Ummada Soomaaliyeed u tahay maalin qiimo weyn ugu fadhida, isla markaana kaalin weyn ku leh dhalashadii iyo hanasahadii xoriyada Ummadda  Soomaaliyeed ay hanatey sanadkii 1960-kii.

Wadan  waxaa uu wax ku noqdaa horumarna ku gaaraa marka uu madaxbanaani buuxda heysto sameystana hogaan ku dhisan cadaalad iyo aqoon,  hadaba waxaan ognahay in ummadaha ka xoroobay gumeystaha aysan si fudud ku gaarin xoriyadda iyo gobanimadooda ay heystaan balse ay dhib u soo mareen dhiigna u daadiyeen, Ummadda soomaaliyeed waxaa ay ka mid aheyd ummadihii la gumeystay  sidii ay u xoroobi lahaydna  waxay u soo martay halgan dheer, halkan waxaan uga hadlayaa hal qeyb oo ka mida halgankaa dheer.

         Aas-aaskii Xisbigii Leegada (SYL);


SYL waxaa aas-aasay 13 dhalinyaro maanta oo kale sanadku marku ahaa 15-maajo-1943 kii ururku waxuu markiisii hore ku shaqo bilaabay hab qarsoodi ah oo si cad loogama hadli karin siyaasada iyo xoriyad toona sidaa awgeed ayaa waxa ay ururka ugu dhawaaqeen markiisii hore  naadi ahaan , Naadiga Dhalinyarada Soomaaliyeed(S.Y.C.) sidaa ayay ku shaqeynayeen ilaa laga soo gaaro 15-maajo-1947 oo ay magaca SYL la baxeen aragtidooda siyaasadeed ee xoreynta Ummadda Soomaaliyeedna ay  banaanka soo dhigeen,  Dhalinyaradaas waxay kala ahaayeen ;

    1. Yaasiin Xaaji Cismaan                            8.  Xaaji Maxamad Xuseen
    2. Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawadiin     9. Khaliif Huudow Macallin
    3. Maxamad Cismaan Baarbe.                 10. Cismaan Geedi Raage
    4. Maxamad Faarax Hilowle                     11. Dheere Xaaji Dheere
    5. Sayidiin Xirsi Nuur                                 12. Maxamad Cabdalla Xayeesi
    6. Maxamad Cali Nuur                               13. Cali Xasan Maxamad"Verdura
    7. Daahir Xaaji Cismaan

   Dhalinyaradaani waxa ay ku heshiiyeen;

1.     In loo halgamo, lana xaqiijiyo gobanimada iyo madaxbanaanida ummadda Soomaaliyeed.
2.   In shanta Soomaaliyeed la mideeyo, hal maamulna la isugu keeno.
3.   In xooga la saaro tacliinta, siiba in lagu dadaalo waxbarashada dhallinyarada, iyadoo la aaminsanaa inaan horumar iyo madaxbanaani la gaari Karin tacliin la'aanteed.
4.   In af Soomaaliga la qoro oo weliba la qaato farta cismaaniyada iyadoo fartaas loo arkayey inay tahay mid waddani ah.
5.    In shacabka lagu baraarujiyo halganka gobanimadoonka iyo madaxbanaanida.
6.   In la tirtiro caadooyinka iyo dhaqamada foosha xun ooy ka mid yihiin qabyaaladda, quursiga, iskala takoorka iwm.


Waqtigii la aas-aasay S.Y.L. iyo ka horba Ummadda Soomaaliyeed  waxay gumeystayaasha kala duwan kula jirtay dagaal adag oo dheer laakin ma ahayn mid wadanka dhan si wada jira uga dhaca, Waxuu ahaa mid ka dhaca deegaano iyo gobolo kala duwan ma jirin awood mideysan oo wadanka dhan si siman uga wada dagaalama. Waxaa jiray in intii isku meel degan ama isku qolo ahba in ay ku midoobeen la dagaalanka gumeystayaasha si da meelo badan ka dhacday. Kadib aas-aasakii SYL wax yaabaha ay ku soo kordhiyeen bulshaweynta Soomaaliyeed waxaa ka mid ahaa: İn ay bulshada ka saaraan kasmada iyo aragtidii gabneed  kuna qanciyaan garashada siyaasadeed ee ay huwan-tahay qarannimadu dadaal iyo juhdi dheer kadib ,  waxaa abuurmay bulsho leh dareen Qarannimo, Soomaalinimo, Wadaniyad, is-jaceyl Ummaddeed iyo nacayb gumeysi taas oo sababtay in inta badan bulshada Soomaaliyeed ay ku qancaan,rumeyaan , kuna howl galaan midnimo iyo Soomaalinimo.Waxyaabaha ay SYL ka dhiidhisay ee ay bulshada kalsoonidooda ku kasbadeen waxaa ka mid ahaa;

Waxaa magaalada Muqdisho ka dhex shaqeyn jiray baabuurta dad-weynaha qaada oo aan loo ogoleyn iney Soomaalidu raacdo kaliya waxaa raaci jiray dadka cad-cad gaar ahaan kuwii talyaaniga. Maalin maalmaha ka mida ayaa waxaa basaskii midka ka mida soo raacay labo dhalinyaro oo kamida dhalinyaradii SYL waxaa lagu amray iney ka dagaan  waase diideen in ay ka degaan baabuurkii dagaal gacanta ah ayaa dhex maray ayaga iyo ninkii Talyaaniga ahaa, waxaa dagaalkoodii kusoo baxay ciidamadii nabadgelyada waxayna arintooda gaartay wakiilka Ingiriiska u fadhiyay Xamar

Wakiilkii Ingiriiska ayaa xukumay in:

1. In baabuurka lagala wareego ninkii Talyaaniga ahaa
2. Iyo in dadweynaha soomaaliyeed ay raaci karaan dhammaan gaadiidka ka shaqeeya gobalka banaadir.  

Arintani waxaa ay noqotay in dadku ogaadaan in waxa laheysto iyo dadka loo diidayo in ay raacaan baabuurta ay yihiin muwaadiniinta dalka iska leh sidaas darteedna ay kordhiyaan iska caabinta gumeystaha.
Wada tashi mudo bila ah u socday kadib dhalinyaradii waxay isku raaceen in ay wakiilkii Ingiriiska waraaq codsi u qoraan si ay naadiga furaan marki ay u tageen wakiilkii Ingiriiska ayaa waxaa dhexmartya dhacdadaan casharka u ahayd ilaa maantana Soomaalida sidii iyo kadaran cashar ugu noqon karta waxa uu ku yiri ; '' Waxaad ka koobantihiin dhalinyardiina qabiilo kala duwan waxaana hubaal ah in aadan kuwa hishiin Karin feker iyo ra’yi toona, aniga waxaan idiin arkaa dhurwaayo iyo ari mooro lagu wada xareeyay, sideed naadi ugu hishiin kartaan khilaaf la’aan".
Dhalintii oo aan hadal kulul ku celin Karin madaxa mustacmaradda ayaa ugu jawaabay; " Hadalkaada waxaan ka dhiganeynaa cashar aan ka faa’iideysano, waxaana barbaarin doonnaa Dhurwaayada, si aysan ariga u cunin, mana fogaan doonto in aad aragto anagoo ku wada nool Naadiga oo aan wax muran iyo khilaaf uusan ka dhex jirin".

     SYL bulshada Soomaaliyeed waxay dhaxalsiisay;


Ø  Waxay  la dagaaleen qabyaalada waxayna xoojiyeen Soomaalinimada.
Ø  Waxay bulshada dareensiiyeen dulinimada gumeysiga iyo wanaaga iyo fiicnaanta xoriyada.
Ø  Waxay Ummadda Soomaaliyeed u shideen iftiin gobonimo doon xoogan oo sababay in aan helno xoriyada maanta aan heysano.
Ø  Waxay dhiseen bulsho leh dereen Ummaddeed oo hamigoodu yahay hanashada xoriyadooda.
Ø  Waxay dhiseen bulsho isku xiran oo xoriyadooda wax waliba oo ay heystaan u hora.
Ø  waxay abuureen hal-ku dhigyadii; "Axyaa wadani","Soomaaliyey toosoo","Qabiil Qaran ma noqdo" iyo kuwa kale oo badan oo Ummadda hurdada ka saaray indhahana u furay.
 
Waxaa iyaduna xusid mudan in SYL ay la kulantay caqabadu fara badan oo ay kala kulan gumeystayaashı reer yurub iyo Soomaalidii la safnayd sidaa ay tahayna waxay bulshada soomaaliyeed gaar ahaan inta maanta loo yaqaan Jumhuuriyada Soomaaliya u hibeeyeen guulo wax tar leh oo waaweyn . Waxaa kaloo jira wax yaabo aysan ka guul gaarin sida qadiyaddii Soomaaliweyn iyo fartii Cismaaniyada inkastoo Af-Soomaaliga la qoray.

Maxaan ka baran karna SYL, Hadaan nahay dhalinyarada maanta;

·         İn aan yeelan karno qaddiyad qaran iyo kartida ka mira dhalinteeda.
·         Dhisida bulsho qaddiyad isku heysa oo ay ku faanto leh.
·         İn ahdaafta lagu gaari karo wada tashi iyo wado nabadeed.
·         Dhaqan wanaag uu saldhig u yahay; İxtiraam, İs-qadarin, Walaaltinimo, İsu-tanaasul iyo Kala-danbeyn.
·         Ka hormarinta dantaada khaaska ah tan guud.
·         İn wax waliba loo huro oo dhibkasta loo maro ka mira dhalinta ahdaaftaada.
·         İn aan yeelan karno siyaasad qaran, aragti ummadeed, dareen bulsho iyo mid Soomaalinimo.
·         İn guul lagu gaari karo halganka ku dhisan  midnimo, walaaltinimo, wadajir, cilmi iyo wada-shaqeyn.
·         İn laga maarmi karo gacan ajnabi oo qadiyadeena iyo ahdaafteenaba inaga oo kali ah aan ka guul gaari karno.

Waxaan Alle uga baryayaa dhamaan dadkii qiimaha badnaa ee raadinta xoriyadeena ka qeyb qaatay oo naftooda iyo maalkooda inoo huray  in uu u naxariisto qubuurtooda u waasiciyo janadiisana ku arzaaqo. AAMİİN.
Dhalinta maantana waxaa u dardaarmayaa in aan waaqaca aan ku nool nahay si fiican u aqrino, garano halka aan u socono iyo halka inaan aadno aan doooneyno.İnshaAllah.

FG: u jeedada aan maqaalkan yar u qoray mahayn inan tariikh da SYL idinla wadaago laakiin waxaa ugu tala galay in aan qadiyadoodii iyo u ahdaaftoodii wax  ka dhaho.

 Amaana Allah. 
  Axmed Maxamed Cali
DHAMAAD
                    =======================================================